Dhalinyarada Soomaaliyeed oo codsanaya ka qaybgalka isbeddelka siyaasadeed ee dalka

4 Nov 2016

Dhalinyarada Soomaaliyeed oo codsanaya ka qaybgalka isbeddelka siyaasadeed ee dalka

Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa ka wada hadlay ka qaybgal firfircoon ee isbedelka siyaasadeed ee dalkooda inta lagu guda jiray shir laba maalmood ah oo ay marti-galisay Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyadoo lala kaashanayo ururo ay dhalinyarada hoggaaminayaan..

Ugu yaraan 50 dhallinyaro ayaa ka qeyb galay kulanka, kaas oo diiradda lagu saaray kaalin wax ku ool ah oo ay dhallinyarada Soomaalida uga qayb qaataan hannaanka doorashada ee 2016, hirgelinta Qorshaha Horumarinta Qaranka ee soo socda, iyo horumarka laga sameeyay ajendaha 2030 ee horumar waara ee Soomaaliya.

"Dhalinyarada waxay raadinayaan shaqooyin, waxbarasho, daryeelka caafimaad, fursado dhaqaale iyo mustaqbal ifaya. Way welwelsan yihiin, kadib wada hadal aan maanta la yeeshay iyaga, in dadka waayeelka ah ay xiiseynayaan kaliya awoodda oo aanay runtii ahmiyad siinayn mustaqbalka, ha ahaado kan dalka ama kooda gaarka ah ", ayuu yiri Michael Keating, Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Waxa uu ku boorriyay dhallinyarada, kuwaas oo ka kooban qiyaastii boqolkiiba 80 dadka Soomaaliyeed, inay si buuxda ugu lug lahaadaan hannaanka socda ee siyaasadda, oo uu sheegay inay keeni karto in ay dhacdo doorasho hal-qof, hal-cod ee sanadka 2020.

Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Peter de Clercq ayaa sheegay in uu saadaalinayo door muhiim ah in ay dhallinyarada Soomaalida ku leeyihiin Qorshaha Horumarinta Qaran ee saddexda sano oo bilaaban doonta bilawga sanadka soo socda.

"Waxaan arkaa in dhalinyarada oo ku habboon dhinac kasta oo qorshaha horumarinta qaranka. Waa in aan ka fogaano aragtida ah in dhalinyarada ay yihiin hay'ad gaar ah ama qayb gaar ah ee qorshaha horumarinta qaranka. Waa inay meel walba ka muuqdaan", de Clercq ayaa carabka ku adkeeyay.

Muna Xasan Maxamed, oo ah hoggaamiye dhallinyaro oo u tartamaysa kursi Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka, ayaa sheegtay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay u baahan yihiin tababarro si ay u noqdaan hogaamiyayaasha mustaqbalka.

"Dhallinyarada waa in ay helaan hoggaan aragti fog leh, xukuumadduna waa in ay abuurto siyaasado dalka ka caawin kara in qalalaasaha laga baxo", Muna ayaa xustay.

Mid ka mid ah waxyaabaha lagu xasuusan karo shirka labada maalmood ayaa ah sawirro darbiga lagu rinjiyeeyay oo ka tarjumaya aragtida ka qaybgalayaasha ee mustaqbalka Soomaaliya


Qaramada Midoobay ayaa safka hore uga jirta u ololaynta ka qaybgalka dhallinyarada iyo haweenka hannaanka doorashada ee 2016.