Madaxweynayaasha Guuleed iyo Gaas ayaa taliyeyaasha ciidmadooda ku amray inay fuliyaan xabadjoojintii Gaalkacyo iyadoo goobjoog ay ka ahaayeen Ra'iisul Wasaare Sharmarke iyo Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud u qaabilsan Soomaaliya Keating

7 Nov 2016

Madaxweynayaasha Guuleed iyo Gaas ayaa taliyeyaasha ciidmadooda ku amray inay fuliyaan xabadjoojintii Gaalkacyo iyadoo goobjoog ay ka ahaayeen Ra'iisul Wasaare Sharmarke iyo Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud u qaabilsan Soomaaliya Keating

 

WAR-SAXAAFADEED 27/2016

Qaramada Midoobay waxay aad uga walaacsantahay burburkii dhowaan ku yimid xabadjoojintii Gaalkacyo, iyo fashilka sii socda ee maamulada Puntland iyo Galmudug ee ku aaddan dhaqangelinta heshiisyada, oo ay ka midyihiin heshiiskii la saxiixay 2 Disembar 2015 iyo mid kale oo mar kale la saxiixay 1 Nofembar 2016.

Isagoo aad uga welwelsan colaadda ka sii socota Gaalkacyo, ayuu Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, wuxuu maanta safar ku tegay magaalada Boosaaso ee Puntland isagoo la kulmay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Clai “Gaas”. Booqashadan ayaa waxay daba socotay kulan dhowaan Muqdisho ku dhexmaray Ergeyga Gaarka ah iyo Madaxweynaha Galmudug Cabdikarim Xuseen Guuleed.

Intii uu Boosaaso ku sugnaa, ayaa Ergeyga Gaarka ah iyo Madaxweyne Gaas waxay khadka telefoonka kula hadleen Madaxweyne Guuleed, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke, Taliyaha Ciidanka Puntland Saciid Maxamed Xersi iyo Taliyaha Ciidanka Galmudug Korneyl Cabdicasiis Cabdullaahi Qooje.

Intii ay socdeen wadahadaladaas, ayaa labada madaxweyne dowlad goboleed waxay amar cad ku siiyeen taliyeyaasha ciidamadooda inay si degdeg ah u soo celiyaan xabadjoojintii. Janaraal Saciid iyo Korneyl Qooje ayaa amarrada qaatay iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha iyo Ergeyga Gaarka ah Keating.

Waxaa la isla meel dhigay in Madaxweyne Guuleed iyo Madaxweyne Gaas, Ra’iisul Wasaaraha iyo Ergeyga Gaarka ah ay u safraan magaalada Gaalkacyo dabayaaqada toddobaadkan si loo sii amba-qaado wadahadallada ku saabsan hirgelinta iyo kormeerka xabadjoojinta, iyo weliba in la isla meeldhiho qorshe wax looga qabanayo arrimaha ugu waaweyn ee ay tahay in la xalliyo si nabad waarta looga gaaro Gaalkacyo.

Ergeyga Gaarka ah Keating ayaa u xaqiijiyay labada dhinac in beesha caalamka iyo Qaramada Midoobay ay diyaar u yihiin inay taageeraan nabad iyo geedi-socod dib u heshiisiin oo waxtar leh. Fashil ku yimaada hirgelinta xabadjoojinta iyo xal u helidda colaadda, ma keeni doonto dhibaato dheeraad ah oo soo gaarta dadka reer Gaalkacyo oo keliya, laakiin waxay sidoo kale sii xoojin doontaa colaadda oo kooxaha xagjirka sii hurin karaan. Xalka oo guuleysta wuxuu xoojinayaa isu socod wanaagsan oo ka dhexeeya labada maamul goboleed, wuxuuna Soomaaliya u horseedayaa horumar siyaasadeed iyo weliba faa’iido la taaban karo.

“Waxaan ku hanweynahay inaan la kulmo madaxda bulshada Gaalkacyo iyo inaan la shaqeeyo Ra’iisal Wasaaraha iyo labada madaxweyne maalmaha soo socda,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating. “Waxaan weli ku kalsoonahay in xal waara loo heli doono colaaddan daba dheeraatay haddii dhammaan dhinacyadu ay u hawlgalaan si niyadsami ah."