Dhallinyarada Muqdisho oo ku baaqay in la helo caasimad nabad ah oo firfircoon

13 Oct 2016

Dhallinyarada Muqdisho oo ku baaqay in la helo caasimad nabad ah oo firfircoon

Munaasabad maanta lagu qabtay caasimada Soomaaliya ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed waxaa ay ku baaqeen in la helo caasimad nabad ah oo firfircoon taasi oo u horseedi karta horumar dhaqaale.

Aragtidan waxaa soo jeediyay tabaneeyo dhallinyaro ah oo ku sugan Muqdisho kuwaasi oo ka qayb galayey ol’ole loogu magac-daray “Magaalada ay dhallintu rabaan.”

Munaasabada waxaa ay qayb ka tahay howlaha Shaqaalaynta Dhalinyarada Soomaaliya (YES) oo ah qorshe hiigsi dheer oo ay hirgalineyso Hay’adda Qaramada Midoobay ee u qaabilsan Deegaanada Bani’aadamka (UN-Habitat) iyadoo la kaashaneyso  Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta (UNDP), Hay’adda Caalamiga ee Shaqaalaha iyo Hay’adda Cunnada iyo Beeraha.

Waxaa ay sidoo kale xiriir la leeyihiin Ololaha Adduunka ee Magaalooyinka taasi oo ku dadaaleyso in ay magaalooyinka u soo saarto hab cusub ee waafaqsan mabaadii’da horumarka waara. Iyadoo la aqoonsan yahay in dhalinyaradu ay dowr muhiim ah ku leeyihiin bulshada, Ololaha Magaalooyinka ee lagu qabtay Muqdisho waxaa laga gol leeyahay in la isugu keeno fikradaha iyo aragtiyada iyo sida ay dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka rabaan caasimaddooda, iyada oo loo marayo munaasabado is dabajoog ah ee loogu talagalay in lagu dhiirri geliyo dhallinta in ay ka hadlaan caqabadaha ay kala kulmaan xagga arrimaha bulsho, siyaasad iyo dhaqaale iyo in ay la yimaadaan waxyaabaha isbeddel keeni karo.

Boqolaal dhalinyaro ah ayaa iskugu soo baxay munaasabadaasi oo lagu qabanayey Xarunta Bar-kulan ee Muqdisho ee degmada Banaadir. Munaasabadda waxaa ka hadlay Duqa magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo La-taliyaha Qaramada Midoobay ee Arrimaha Dhalinyarada, Joao Scarpelini iyo kuwo kale.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyey aragtida dhalinyarada  isagoo na ku boorriyey in ay ka qayb qaataan dadaalka lagu horumarinayo caasimadda. “Sidee bay magaaladu nabad ku noqon kartaa haddii aadan amniga kaalin ka ciyaarin? Sidee baad u rabi kartaa magaalo bilic quruxsan leh haddii aad ka qayb qaadeyn qurxinta bilicdeeda? Waxaa aad dooneysaan magaalo leh biyo nadiif iyo koronto raqiis ah. Haddii ay taasi tahay waxa aad dooneysaan, waa in aan ka wada shaqeynaa si ay taasi u dhacdo,” ayuu yiri Mudane Jimcaale.

Kuura-galaddiisi, Mudane Scarpelinin waxaa uu ogaaday da’ yarta Soomaaliyeed in ay yihiin kuwa u badan shacabka isla markaasna aragtidooda iyo hamigooda waa in la maqlaa oo loo isticmaalaa saldhigga lagu dhisayo nooca qaranimo iyo magaalada ay doonayaan in ay ku nooladaan.

“Annaga waxaa aan u baahannahay in aan hubinno annaga oo u abuurayna dadka da’ yarta nafaas si ay u noqdaan da’ yarta kuwa shirka nala ah, ma ahan kaliya kuwa noqda wax la siiya. Waxaa aan u baahannahay in aan u abuurno da’ yarta fursada lagu awood-gelinayo si ay u helaan waddooyinka dhaqaale,ayna uga qayb galaan arrimaha bulshada iyo siyaasadda iyo ay noqdaan wakiillada lagu bedelayo dhismaha Soomaaliyada ay doonayaan.” La taliyaha dhallinyarada ee qaramada midoobay ayaa yiri Sidaasi.

“Dhacda maanta waxaa ay ku saabsantahay ka mid noqoshada bulshada iyo dhismaha astaan ay wadaagan dhallinyarada Magaalada isla mar ahaantana waxaa ay tahay gabagabada caqabadaha iyo xalka ay soo bandhigeen dhallinyarada inta lagu guda jiray ololaha magaaleynta.” Caddeeyay Xafiis joogaha barnaamijka Qaramada midoobay (UN-Habitat) Falastiin Cumar.

Mar hore, Guddoomiyaha ururka dhallinyarada Banaadir, Cabdikaafi Maxamud Makaraan, waxaa uu yiri dhallinyarada ka kala timid degmooyinka kala duwan ee Mogadishu waxaa ay ka qayb qaateen ololaha ayaga oo soo gudbiyay aragtidaado oo lagu xusay inta lagu guda jiray shirka.

 Waxyaabaha cabashada ah ay soo qaadaan dhallinyarada waxaa ay yihiin la’anta biyo nadiif ah oo la soo tubiyey, nadaafad darro, amni darro iyo koranta la’aan. “Aniga waxaa doonayaa in aan ku noolaado magaalo nabdoon, magaala aan helayo waxbarasho lacag la’an ah, adeeg caafimaad oo wanaagsan, biyo nadiif ah iyo waxyaabaha kale ee aasaasiga ah oo ii oggolaanayo aniga in aan ku noolaado noolal qiimo leh,” Waxaa yiri Fardowsa Xuseen Cali, inan yar oo ka socota degmada Banaadir.

UN-Habitat waxaa ay wadday wada tashi xiriir ah oo ay la yeelatay qaybaha kala duwan ee ha’yadaha illaa bartimihii sannadkan si loo sawiro nooca ay tahay magaalada ay doonayaan dhallinyarada ku sugan Mogadishu.