Ergeyga Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo booqday Caasimadda Puntland sii looga wada-hadlo diyaargarowga doorashooyinka

6 Oct 2016

Ergeyga Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo booqday Caasimadda Puntland sii looga wada-hadlo diyaargarowga doorashooyinka

Ergeyga Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) ee u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating iyo Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (SRCC) ee u qaabilsan Soomaaliya, Francisco Caetano Jose Madeira, waxaa ay booqasho hal maalin ah ku tageen magaalada Garoowe si ay madaxda sare ee Puntland uga wada hadlaan diyaargarowga geeddi-socodka doorashooyinka.

Waxaa ay la kulmeen Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Ali Gaas, ururrada haweenka, madax dhaqameedyo iyo dadka u sharraxan xilka madaxweynimada Soomaaliya oo uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiraxmaan Faroole. Madaxweynaha Puntland waxaa uu xaqiijiyay in uu u hoggaansan yahay wakhtiga doorashooyinka ee dhowaan lagu heshiiyay.

“Waxaa aan isku afgarannay in aan ilaalinno wakhtiga doorashada lagu ballamay iyo in laga fogaado dib u dhac cusub oo ku timaadda wakhtiga doorashada,” ayuu yiri Madaxweyne Gaas. “Puntland waxaa ay diyaar u tahay in si sax ah u hirgeliso qodobada Madasha Hoggaanka Qaran lagu heshiiyay.

Ergeyga Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay waxaa uu ururrada haweenka ku boorriyay in ay sii wadaan dadaalka ay ku horumarinayaan 30% ee qoondada haweenka ee aqalka sare iyo aqalka hoose ee baarlamanka federaalka ah ee Soomaaliya.

“Kaalinta ay dumarka ku leeyihiin siyaasadda bulshada dhexdeeda siyaasadda ayay xiiso u yeeleysa”ayuu yir Mudane Keating. “Waxaa aad ku jirtaan dagaal, dagaalkana waa dagaalkiinna.”