Warbixinta Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud James Swan u jeediyay Golaha Ammaanka ee ku saabsan xaaladda Soomaaliya

23 May 2022

Warbixinta Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud James Swan u jeediyay Golaha Ammaanka ee ku saabsan xaaladda Soomaaliya

(Sida loo jeediyay, New York/Muqdisho, 23 Maajo 2022)

 

Marwo Madaxwayne, Xubnaha sharafta leh ee Golaha,

Waad ku mahadsantihiin fursadda aad ii siiseen inaan soo jeediyo warbixin ku saabsan xaaladda Soomaaliya. Waxaan ku faraxsanahay inaan mar kale sidaa sameeyo aniga oo uu i wehliyo Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira.

Marwo Madaxwayne,

Gebegabadii, hannaankii doorashada Soomaaliya ee todobaadkii hore ayaa ah mid guul wayn u ah dalka. Loollanka Madaxtinnimada ayaa daba socoday hab aan loo meel dayin oo muran badani ka dhashay oo lagu soo dooranayey xubnaha golaha sharci-dejinta. Si kastaba ha ahaatee, markii Senatarrada iyo Xildhibaanada Baarlamaanka la dhaariyay 14-kii Abriil 2022, waxay si degdeg ah ugu dhaqaaqeen in ay doortaan Guddoomiyaha iyo labada Guddoomiye ku xigeen ee mid kasta oo labada aqal ee Baarlamaanka kaddibna waxay u diyaar garoobeen doorashada Madaxwaynaha. Maalintii 15-kii Maajo 2022, ayaa Xasan Sheekh Maxamuud, si aqlabiyad leh loogu doortay madaxwaynihii tobnaad ee Soomaaliya, taasoo ka dhacday kalfadhi wadajir aha oo ay labada aqal ee baarlamaanku u dhamaayeen oo ahaa mid nabdoon, nidaamsan iyo ixtiraamna leh oo dhowrayey xeer-hoosaadka. Madaxwaynaha xilka ka degaya Maxamed Cabdillaahi Maxamed Farmaajo ayaa si sharaf leh u aqbalay natiijada, wuxuuna u hambalyeeyay isla markaana taageero u fidiyay madaxwaynaha beddelaya. Madaxwaynaha cusub ayaa islamarkiiba la dhaariyey, waxaana si buuxda loo aqbalay natiijadii doorashada ka soo baxday.

Marwo Madaxwayne, sida uu Golahani marar badan ku celceliyay, waa la dhaafay waqtigii madaxda Soomaalidu ay ka gudbi lahaayeen loollanka siyaasadeed ee daba dheeraaday si ay diiradda u saaraan arrimaha qaranka ee mudnaanta leh. Waxaa sharaf ii ahayd inaan 18-kii Maajo si toos ah uga maqlo Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud arrin ku saabsan hadafkiisa dhow.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay dib u heshiisiinta qaranka, wanaajinta xiriirka dowladda dhexe iyo Maamul-goboleedyada xubnaha ka ah federaalka, wax ka qabashada khatarta amni ee Al-Shabaab, dhameystirka dib u eegista dastuurka iyo dib u habaynta garsoorka, dhamaystirka shuruucda doorashooyinka, hubinta in hannaanka caalamiga ah la waafajiyo shuruudaha Hay’adaha Maaliyadda ee ku aaddan cafinta daymaha., islamarkaana si deg-deg ah dareen loo siiyo xaaladaha daran ee abaaraha. Waxaan aaminsan ahay in tani ay tahay liis ku habboon mudnaanta koobaad, waxaana rajaynaynaa inaan ogaanno tafaasiil dheeri ah marka hoggaanka cusubi uu la wareego xilka oo Ra'iisul Wasaaraha cusub iyo golaha cusub ee wasiirrada la magacaabayo toddobaadyada soo socda. Dhammaan nidaamka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya wuxuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo dowladda cusub si loo taageero hadafyada la wadaago.

Marwo Madaxwayne,

Annagoo aad u soo dhowaynayna dhammaadka doorashada oo rajaynayna in horumar laga gaaro arrimaha kale, waa in aynu si cad u eegno khaladaadka ka jira marxaladihii hore ee geedi-socodka. Si ka soo horjeeda Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, shacabka Soomaaliyeed ma helin fursad ay uga codeeyaan Golaha Shacabka doorasho hal qof iyo hal cod ah. Haweenka ayaa loo doortay 21 boqolkiiba kuraasta baarlamaanka - aad ayayna uga yar yihiin 30 boqolkiiba oo ahaa yoolka ay Soomaalidu dejisey. Khaladaad badan oo lagu sameeyay soo xulista xildhibaannada ayaa lagu arkay intii ay socotay howsha doorashadu. Waxaana marar badan ku soo noqnoqday dhacdooyin naxdin leh oo rabshado wata iyadoo la diiwaangeliyey khasaare badan oo rayid ah. Waxaan ugu baaqaynaa madaxda Soomaaliya inay dadkooda wax u qabtaan meertada xigta ee doorashada. QM waxay diyaar u tahay inay taageerto dadaalladaas.

Marwo Madaxwayne,

Xaaladda amniga Soomaaliya ayaa weli ah mid aad u kacsan. Iyadoo ay sii dhiirriyeen xiisadaha siyaasadeed ee gudaha, Al-Shabaab ayaa bilihii la soo dhaafay iyana sii waday qaabkeeda iyo weerarrada ay diiradda ku saarayso Muqdisho, Maamul-goboleedyada Koonfur-Galbeed iyo Hirshabeelle. Dhacdooyinka laayaanka ahaa ee bilihii Maarso iyo Abriil ayaa soo jeediyey dadaal lagu carqaladynayo wejiyada ugu dambeeya ee hannaanka doorashada.

Waxaan bogaadinayaa geesinnimada iyo adkaysiga Ciidamada Ammaanka Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya kuwaas oo dhowray hannaanka doorashada islamarkaana u dhabar adaygay dhibka wayn ee la dagaallanka dhibka weerarrada dilaaga ah ee Al-Shabaab ee kaddib iyo kahorba. Waxaan rabaa inaan si gaar ah uga tacsiyeeyo khasaarihii ka dhashay weerarkii adkaa ee 3-dii Maajo 2022 ay Al-Shabaab ku qaadeen Saldhig-horaadka ATMIS-ka ee Ceel-baraf, Shabeellaha Dhexe.

Tan iyo markii ay AMISOM si rasmi ah ugu wareegtey ATMIS 1-dii Abriil, sida ku cad qaraarka Golaha ee 2628, saraakiisha amniga Soomaaliya iyo Midowga Afrika waxay si wayn diiradda u saareen amniga doorashada. QM ayaa qaadday tillaabooyin heer farsamo ah si ay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ATMIS-ba ugala hadlaan wadadii loo mari lahaa hirgelinta Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya iyo ATMIS. Hadda oo ay doorashadu dhammaatay, waxaa muhiim ah in dib loo soo nooleeyo qaab-dhismeedyadii ay horay ugu heshiiyeen guddiga amniga iyo cadaaladda si loo taageero isku xirka, mudnaan-siinta ciidamada iyo isku dhafka ciidamada, abaabulka agabka iyo tayaynta ciidamada amniga Soomaaliya. Waxaan ugu baaqayaa maamulka cusub inuu muujiyo go’aankiisa siyaasadeed iyo hoggaamintiisa si uu dalka u gaarsiiyo isbedelka amni ee lagu heshiiyey.

Hawlgalka Taageerada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya wuxuu sii wadayaa inuu taageerada loo igmaday uu siiyo ciidamada ATMIS, wuxuuna sameeyey oo uu shaqaaleysiiyey unug kala-guur si loo hubiyo inay si fiican u qalabaysan yihiin si ay u daboolaan baahiyaha howlgalka cusub ee Midowga Afrika. UNSOS wuxuu sidoo kale sii wadaa inuu taageero ciidamada Soomaaliya si waafaqsan shuruudaha shaqada, in kastoo ay hoos u dhaceen heerarkooda, taasoo ay ugu wacan tahay hoos u dhaca ku yimid Sanduuqa Amniga ee Ciidanka Amniga Soomaaliya. Anagoo u mahad-celinayna kuwa sida deeqsinimada leh u bixiyay taageerada, waxaan ugu baaqaynaa dalalka jaalka ah inay wax dheeraad ah ku biiriyaan Sanduuqa. Waxaan sidoo kale soo dhowaynaynaa daah-furnaan dheeraad ah oo ku saabsan qorshayaasha lagu maalgelinayo shuruudaha ATMIS ee mustaqbalka ee aan hadda wax laga qaban.

Marwo Madaxweyne,

Xaaladda bini'aadminnimo ee Soomaaliya ayaa ka sii daraysa kaddib markii ay baaqdeen roobabkii afaraad ee xiriir ah. Tirada dadka ay abaartu saamaysay ayaa gaaraya 6.1 milyan. Wadanku waxa uu wajahayaa khatar sii kordhaysa oo ah macluul maxalli ah oo taabatay lix bulsho haddii qiimaha cuntadu uu sii kordho oo gargaarka bini'aadminnimo aan la joogtayn.

Bini'aadminnimadu waxaa ay kor u qaadeen howlahooda, iyaga oo mudnaanta siinaya dadka aadka u nugul, waxayna diiradda saarayaan ka-hortagga macluusha. Hase yeeshee, ku dhowaad ​​kala bar sanadka oo dhan, Qorshaha ka jawaabista Bani'aadminnimada ee 2022 ayaa kaliya 15 boqolkiiba laga maalgeliyey marka loo eego wadarta baaqa la diray oo lagu dalbaday $1.45 bilyan oo doollar. Waxaan ku baaqaynaa kaalmo degdeg ah oo dheeri ah.

Maalintii 26-kii Abriil, shir heer sare ah oo deeq-bixiyeyaashu ku yeesheen Geneva ayaa diiradda lagu saaray baahiyaha bani'aadminnimo ee Geeska Afrika oo dhan, oo ay ku jirto Soomaaliya. Waxaan uga mahadcelinaynaa deeq-bixiyeyaasha ballanqaadyada. Si kastaba ha ahaatee, haddii aanan si degdeg loo helin maalgelin lagu ballaarinayo hawlaha bani'aadminnimada, waxaan wajahaynaa suurtagalnimada khasaare nafeed oo la taaban karo muddada soo aaddan. Xataa xilli aan hadda diiradda saarayno badbaadinta nolosha iyo kahortagga macluusha, waxaa sidoo kale loo baahan yahay in la kordhiyo adkaysiga, horumarka, iyo jawaabaha cimilada si kuwa ay saameeyeen dhibaatooyinka soo noqnoqda ay ula qabsadaan oo u bullaalaan mustaqbalka.

Marwo Madaxweyne,

Dhammaan howlaha nidaamka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, waxaa ina haga mabaadii'da ixtiraamka xuquuqda aadanaha, iyo ka qaybgelinta haweenka, dhallinyarada, iyo kooxaha la takooro. Waxaan sii wadaynaa inaan si adag u adeegsanno Siyaasadda Ku dadaalista Xuquuqul Insaanka oo aan hubinno u doodista iyo taageerada farsamo ee ilaalinta xuquuqda aadanaha. Qaramada Midoobey iyo Dawladdu waxay bilaabeen hirgelinta barnaamijka astaanta u ah Haweenka, Nabadda iyo Ilaalinta, oo uu maalgeliyo Sanduuqa Dhismaha Nabadda. Barnaamijkani waxa uu kor u qaadayaa ka qaybgalka macnaha leh ee haweenka ee geeddi-socodka nabad dhisidda iyo ka ilaalinta haweenka iyo gabdhaha ee xadgudubka galmada ee khilaafyada ku salaysan. Dhanka dhallinyarada, QM waxay sii wadaysaa isku-dhafka cabbirka dhallinyarada ee ka qaybgalka doorashada, dhexdhexaadinta, iyo kormeerka rayidka ee waaxda amniga.

Marwo Madaxwayne

Gebagebadii, aan ku nuuxnuuxsado in gebagebada hannaanka doorashada ee 15-kii Maajo ay siinayso Soomaaliya fursad ay muddo dheer sugaysey si ay horumar uga samayso arrimaha kale ee mudnaanta u leh qaranka. Waxaan ugu baaqaynaa madaxda Soomaaliyeed in ay ku wada shaqeeyaan si niyad ah oo shucuur wada shaqayn iyo ujeedo qaran leh. Waxaan ugu baaqaynaa saaxiibbada iyo la hawlgalayaasha caalamiga ah ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan kuwa Golahan, inay bixiyaan taageero iyo dhiirrigelin wax ku ool ah. Aan iska kaashanno inaan ka faa’iidaysanno waqtigan arrintan fursadda u ah ee Soomaaliya.

Mahadsanidiin.

Halkan ka akhri Warbixinta Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u gudbiyay Golaha Ammaanka ee ku saabsan xaaladda Soomaaliya.