Dhismaha xarun lugu dhaqanceliyo dableydii hore ee Al-Shabaab oo Kismaayo ka billowday

13 Jun 2016

Dhismaha xarun lugu dhaqanceliyo dableydii hore ee Al-Shabaab oo Kismaayo ka billowday

Dhismaha xarun loogu talogalay in lugu dhaqanceliyo dhallinyarada colaadda ka waantooba ee deegaannada hoos yimaada maamulka Jubbaland ayaa Isniintii aan ka soo gudubnay si rasmi ah uga billowday magaalada Kismaayo.

Waa xuruntii labaad ee Soomaaliya laga hirgeliyo, taas oo qayb ka ah Mashruuca Qaran ee Dhaqancelinta Dagaallamayaasha Waantoobey ee dowladdu waddo.

Dhismaha xarunta dhaqancelinta Kismaayo waxaa maalgelineysa dowladda Jarmalka oo taageero ka heleysa hawlgalka taakuleynta Soomaaliya ee Qaramada Midoobey (UNSOM), Dowladda federaalka ah ee soomaaliya, Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo saaxiibbo kale.

Saraakiil goob-joog ka ahaa xafladdii dhagax-dhigga ayaa sheegay in dhismaha xaruntani ay dhallinyarada la duufsaday siin doonto fursad ay noloshooda dib ugu habeeyaan si ay mar kale bulshada uga mid noqdaan.

Duqa magaalada Kismaayo, Cabdirashiid Cali Gooni ayaa intii xafladdu socotay sheegay in xaruntu hoy iyo goob  waxbarasho u noqon doonto kuwa go’aansaday in ka baxaan kooxda argagixisada ah. “Maanta waxaan dhagax dhignay xarun loogu talo-galay dhallinyarada dirirta ka waantowday ee jubbaland. Tillaabadaas oo looga jeedo in lugu dhaqanceliyo dhallinta la marin habaabiyey, si loo siiyo hoy, waxbarasho iyo daryeel caafimaad oo ay uga soo kabtaan daannada gaartey islamarkaana ay beelahoodi dib ugu biiraan”. Ayuu yiri.

Agaasimaha Barnaamijka Dhaqancelinta Dadka Waantooba ee Wasaaradda Ammaanka Qaranka ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Malik Cabdalla, ayaa ugu baaqay dhallinta weli ku harsan Al-Shabaab in ay isa soo dhiibaan si ay bulshadooda uga mid noqdaan.

 “Waxaan farriin u direynaa dhallinta la marin habaabiyey in ay soo laabtaan isna soo dhiibaan. Waxaan sidoo kale dhallinyaradaas ugu baaqayaa in ay ka waantoobaan falalka gurracan ee loo adeegsanayo, waayo waxay gumaadayaan waa dadkoodi, waa hooyooyinkood iyo walaalahood,” ayuu yiri  Maalik Cabdalla oo intaas ku daray in ciddii waantowda gacmo furan lugu soo dhaweyn doono. .

Wuxuu uga mahadceliyey beesha caalamka, gaar ahaan Dowladda Jarmalka, suurtogelinta xarunta dhaqancelinta oo laga dhisayo xeradii hore ee mariinada (badda) Kismaayo.

Hadal uu halkaas ka jeediyey, Chandrasekhrar Pakala oo malayey UNSOM, ayaa wuxuu rajo wanaag ka muujiyey in dhismaha xarunta si dhakhso leh loo dhammeyn doono, si ay fursad uga helaan dhallinta ka waantoobay xagjirnimada.  “Hawshan taageero buuxda ayaan siineynaa”, ayuu yiri Pakala oo intaas ku daray, “ Waxaan rajeyneynaa in dhasmaha xaruntani si dhaksiyo leh u dhammaato si loogu isticmaalo ujeeddooyinkii loogu talo-galay”.

Munaasibadda dhagax-dhigga xarunta dhaqancelinta dableyda waantowday ee magaalada Kismaayo waxaa goob-joog ka ahaa saraakiil ka kala socotay UNSOM, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya  iyo Maamulka Jubbaland.

UNSOM waxay safka hore kaga jirtey dhaqancelinta dableydii hore ee Al-Shabaab, waxayna ku talo jirtaa in ay xarumo saan oo kale ah ka dhisaan baydhabo, Beledweyne iyo Muqdisho.

Ka sokow tababarka xirfadeed, dhalinyarada doonaya in bulshadooda dib ugu laabtaan waxay xarumahaas ka heli karaan talo-bixin cilmi-nafsi oo wax ku ool ah.