Gigida diyaaradaha Boosaaso oo hawlgalay ka dib markii dib-u-habeyn lugu sameeyey

8 Jan 2016

Gigida diyaaradaha Boosaaso oo hawlgalay ka dib markii dib-u-habeyn lugu sameeyey

Boosaaso – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaali, Xasan Sheekh Maxamud, ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray gigida diyaaradaha Boosaaso, ka dib markii dib loo dayactiray. 

Madaxweyaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) iyo marti sharaf kala duwan oo ay ku jireen, xubno mataliyey saaxiibbada Soomaaliya horumarka ka taakuleeya ayaa goob-joog ka ahaa daah-furka garoonka caalamiga ah ee Bandar Qaasim.

Maxadweyne Xasan Sh Maxamud oo munaasibadda ka hadlay, ayaa furitaanka garoonka diyaaradaha Boosaaso ku tilmaamay tillaabo horay loogu qaaday dhanka horumarinka dalka, taas oo sheegay in ay tilmaan u tahay dadaalka Soomaaliya ugu jirto dib-u-dhiska kaabayaasheeda.

“Xafladda weyn ee maanta lugu daahfurayo  garoonka cusub, casriga iyo caalamiga ah ee Boosaaso waa horumar ay ku faani karaan dhammaan dadweynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Puntland. Magaalo xeebeedkani waxay caan ku tahay hawlaha ganacsiga, gaar ahaan dhoofka xoolaha ka kala yimaada qaybo badan oo Soomaaliya ka mid, iyo sidoo kale dalalka deriska”. Ayuu yiri Madaxweyne Xasan oo ka hadlayey waxtarka mashruuca garooka  Boosaaso.

Madaxweyaha Puntland, Cabdiweli Gaas goobta ka sheegay garoonka la casriyeeyey uu sare u qaadi doono awoodda Soomaaliya u leedahay in ay qaabisho duulimaadyada sii kordhaya ee safarreyda iyo xamuulka.

Dhismaha garoonka diyaaradaha Boosaaso oo ay maalgelisey dowladda Talyaanigu, waxaa  fulisey shirkad Shiinaha laga leeyahay oo kaashaneysa Xafiiska Adeegga Mashaariicda ee Qaramada Midoobey.

“Waan ka wada dheregsannahay ahmiyadda kaabayaasha caynkaan ahi u leeyihiin horumarka dhaqaalaha”, ayuu yiri Danjiraha Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya Wei Hongtian, oo ah nin Af-Soomaaliga aad ugu hadla.

Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya, Fabrizio Marcelli, oo isna meesha ka hadlay ayaa dhankiisa hoosta ka xarriiqay muhiimmadda mgaalada 3-aad ee Soomaaliya ugu dadka badan.

“Boosaaso waa magaalo Gacanka Cadmeed ee istaraatijiga ah kulaaleysa, waxayna noqon kartaa xarun goboleedka ganacsiga”, ayuu yiri Danjire Marcelli, oo intaas ku daray “Waxaan quuddareynayaa in aan dhawaan billowno dhismaha tocmareen si fudud bedeecada ugu daabuli kara dekedda Boosaaso”.

Dhismaha garoonka Boosaaso waxay billaabatay bishii Diseembar 2014-kii, waxaana ku jirey dhabbe diyaaraduhu ku ordaan oo dhererkiisu yahay 2.4 KM, meelo laga dukaameysto, aag baabuurta la dhigto iyo xafiisyo socdaalka loogu talogalay.

Garoonka  Bandar Qaasim oo la filayo in uu wax weyn ku soo kordhiyo socdaalka hawada Soomaaliya, waxaa lugu wadaa in uu soo jiito duulimaadyo goboleed iyo kuwo caalami ah oo magaalada Boosaaso ku xiri doona dalka iyo dibedda.