Dowlad Goboleedka Galmudug iyo QM ayaa qabtay munaasabad lagu dhagax dhigayay xafiis QM oo Cusub

3 Jun 2023

Dowlad Goboleedka Galmudug iyo QM ayaa qabtay munaasabad lagu dhagax dhigayay xafiis QM oo Cusub

Dhuusamareeb – Dadaallada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee loogu talagalay in si’ sidii hore ka wanagsan loogu adeego shacabka Galmudug ayaa maanta loo qaaday tallaabo kale oo hore u socod ah, iyadoo la qabtay munaasabad lagu dhagax dhigayay dhismaha xafiis cusub oo laga hirgelinayo caasimadda dowlad goboleedka xubinta ka ah dowladda Federaalka.

“Maanta waa maalin weyn oo aan marqaati ka nahay aasaaska xafiiska QM oo aan ku hammineynay muddo dheer,” ayuu Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoorqoor’ ka sheegay xafladda. “Xafiiskan waxa uu muhiimad gaara u leeyahay shacabka iyo Dowladda Galmudug. Shaqada aasaasitaanka xafiiskan waxa ay soo socotay in muddo ah. Waana mid ka mid ah guulaha aan muddo ku dadaalka ugu jirnay.”

Waxaa garab taaganeyd Madaxweyne QoorQoor oo ku sugnaa Xero Daroogo ee Magalaada Dhuusamareeb oo ah halka dhismaha laga dhisi doono, Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho.

“Safar dheer ayey soo qaadatay in marxaladdan la soo gaaro. Mudane, waxay ahayd aragtidaada, in aan halkan oo ah Galmudug ka dhisno ‘Xarun ay leedahay QM’ taasi oo looga golleeyahay in hay’adaha [QM] loo soo dhaweeyo dadka aan u adeegno. Waxa aan ognahay in marka aan halkaan joogno, aan si’ kasii wanaagsan sidii hore u qorsheyn doonno, u fulin doono, [oo aan] ugu adeegi doonno shacabka Galmudug,” ayey tiri, Marwo Gbeho.

“Ma doonayo in aan wax badan iraahdo - maanta ma ahan maalin loogu talagalay khudbado dhaadheer - laakiin waa in aan kuu mahadceliyo, aan u mahadceliyo kooxdaada, oon u mahadceliyo kooxdayda, gacanta ay ka gaysteen in ay suurtagaliyeen hawsha maanta, ugu dambeyntii, waxa aan donaynaa, waxa aad doonayso oo ah: Galmudug nabad ah, xasilloon, oo barwaaqo ah [iyo] Soomaaliya, oo ah qaran aan gebi ahaanba cidna laga tegin, oo inta aad horay u socotaan, aad horay u sii soconaysaan idinka oo kaashanaya Qaramada Midoobay,” ayey hadalkeeda sii raacisay.

Munaasabadda dhagax-dhigga maanta ayaa dabasocotay saxiixa heshiis dhul oo ay horrantii sannadkan kala saxiixdeen madaxweynaha Galmudug iyo Marwo Gbeho.

Ilaa iminka bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa u taageeraysay Galmudug si fogaan ah iyo iyaga oo u adeegsanaya booqashooyin joogto ah, waxa ayna sii wadi doonaan la shaqeyntooda iyo taageeradooda joogtada ah ee ku qabsooma hannaankan inta laga furayo xafiiska.

“Mudane Madaxweyne, waxa aad la socotaa in aan adiga iyo kooxdaadaba si dhow ugala shaqayno dhinacyo badan – waxaan maanta la imid madaxa doorashooyinka, hoggaanka booliska, madaxa warfaafinta – waxaa intaasi sii dheer, sidoo kale waxa aan idinka taageernaa arrimahan Garsoorka, QM ayaa idinka taageeraysa marka ay timaado gargaarka bani’aadannimo, [iyo] marka ay timaado caawimaadda horumarinta. Waxa aan rajeyneynaa in iyadoo la adeegsanayo xafiiskan aan awood u yeelan doonno in aan sii laba jibbaarno dadaalka horay loogu sii socdo,” ayey tiri Marwo. Gbeho.

Munaasabadda dhagax-dhigga ka dib, mas’uulka QM iyo xubnaha wafdigeeda ayaa waxa ay xarunta madaxtooyada Galmudug kula kulmeen madaxweynaha iyo kooxdiisa oo isugu jirtay wasiirro iyo la-taliyeyaal sare, si ay uga wadahadlaan dhinacyo kale ee taageerada hay’adda caalamiga ah u fidiso Dowlad Goboleedka Xubinta ka ah dowladda Federaalka.

 

Si aad u aragto sawirada xaflada oo dheerad ah - guji halkan.