War-saxaafadeedka Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ee ku saabsan Xaaladda Soomaaliya

7 Jun 2023

War-saxaafadeedka Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ee ku saabsan Xaaladda Soomaaliya

New York – Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa markale xaqiijiyey ixtiraamkooda ay u hayaan siyaadada, wadajirka dhuleed, madaxbannaanida siyaasadeed iyo midnimada Soomaaliya.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa walaac ka muujiyey colaadda ka taagan magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ee dhaca Woqooyiga Soomaaliya, kaas oo sababay waxyeellooyin soo gaaray shacab badan iyo barakaca in ka badan 150,000 qof. Waxay muujiyen in ay tiiraanyadana la qaysanayaan , oo ay tacsi u dirayaan qoysaska dhibbaneyaasha, waxa ayna caafimaad taam ah oo degdeg ah u rajaynayaan dadkii ku dhaawacmay dagaalka.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa soo dhaweeyey dadaaladda iyo isku-dayada ay wadaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladda Itoobiya iyo odayaal dhaqameedka  ee ku aaddan xaqiijinta xabad-joojin, oo sidoo kalena dhiirrigelinaya wadaxaajood qaran oo loo dhanyahay oo ay Soomaalidu leedahay. Waxay dhammaan dhinacyada ugu baaqeen inay gaaraan heshiis xabad-joojin degdeg ah, waxayna ku dhiirrigeliyeen inay galaan wadahadal loo dhanyahay iyo in khilaafka lagu xaliyo si nabad ah, iyagoona ugu baaqay Halwgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOM) inay taageero dheeraad ah u fidiyaan si waafaqsan waaibaadka hawlgalka, oo ay ka mid tahay la xiriiridda dhammaan dhinacyada haddii ay lagama maarmaan noqoto.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa walaac weyn ka muujiyey dhamashadii iyo dhaawacyadii ka dhashay dagaalka Laascaanood bishii Disembar 2022, kadib markii ay Ciidamada Ammaanka Somaliland awood u isticmaaleen bannaabaxyo, sida ku xusan warbixinta Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee 16 Febraayo 2023 ee summadeedu tahay (S/2023/109). Goluhu wuxuu cambaareeyey isku dhacyada rabshadaha leh ee u dhaxeeya Ciidamada Ammaanka Somaliland iyo maleeshiyo beeleedyo. Waxay cambaareeyeen dhammaan falalka guracan ee lagula kaco dadka rayidka ah, iyagoo sida ugu kulul u dhaleeceeyay waxyeellooyinka rayidka iyo burburkii loo geystay kaabayaashii adeegga bulshada ee uu dagaalka sababay.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa ugu baaqay in Ciidamada Ammaanka Somaliland si degdeg ah looga saaro goobaha lagu dagaalamay, uguna baaqay dhammaan dhinacyada inay isxakameeyaan, kana fogaadaan ficillada daandaansiga iyo waxyaabaha kicin kara iyo hadallada hurinaya colaadda si xaaladda dagaalka loo qaboojiyo, si loo hirgeliyo is-aaminaad iyo in la abuuro jawi nabadeed.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa dhammaan dhinacyada xasuusiyey waajibaadka ka saaran xeerka caalamiga ah, ee uu ka mid yahay Xeerka Caalamiga ee Bani’aadannimada ee xaaladahan oo kale quseeya. Waxayna dhammaan dhinacyada ku boorriyeen inay la xisaabtamaan kuwa mas’uulka ka ah xadgudubyada Xeerka Caalamiga ee Bani’aadannimada iyo xadgudubyada iyo tacadiyada xuquuqda aadanaha.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa muujiyey walaacooda ku aaddan saamaynta dagaalku ku yeeshay xaaladda bani’aadinnimo ee magaalada Laascaanood iyo guud ahaan Gobolka Sool, iyadoo ay kasii dartay barakaca iyo dhibta ay sababtey abaarta 2022-kii. Goluhu wuxuu dhammaan dhinacyada ugu baaqey inay oggolaadaan, ayna fududeeyaan gaarsiinta gargaar bani’aadannimo, si waafaqsan Qaanuunka Caalamiga, ee uu ka mid yahay Xeerka Caalamiga ee Bani’aadannimada ee xaaladahan oo kale quseeya iyo hab la jaanqaadaya mabaadii’da hagta Gargaarka Degdegga ee Bini’aadannimo ee Qaramada Midoobey (sida ku cad qaraar Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ee tirsigiisu yahay 46/182) ee ujeedkiisu yahay Gargaar bani’aadannimo, dhexdhexaad ah, eex lahayn, oo madax-bannaan.

Xubnaha Golaha Ammanka waxay dhammaan deeq-bixiyeyaasha ugu baaqeen inay kordhiyaan kaalmada bani’aadannimo si loo xaqiijiyo bixinta gargaar bani’aadannimo iyo mucaawino aasaasi ah. Waxay ugu baaqeen dhammaan dhinacyada inay oggolaadaan gelitaanka kooxaha baara ee soo saara walxaha qarxa si ay gacan uga geystaan ​​soo saarista haraadiga walxaha qarxa.