Dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa ku dhawaaqday iney bilowday doorashooyinka Aqalka hoose

Mid ka mida Ergada ayaa tirinaya codadka intii lagu guda jiray hanaanka doorashada ee lagu dooranayo xubnaha aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya gudaha magaalada Kismaayo, Soomaaliya, 15 Nofembar 2016. Sawir QM

15 Nov 2016

Dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa ku dhawaaqday iney bilowday doorashooyinka Aqalka hoose

 
U codeynta xubnaha aqalka hoose eebaarlamanka dowlada federaalka soomaliya ayaaka bilaabanaya Maamulka Hirshabelle berito, ilaa37 kursi ayaa ka iman doona dowlad goboleedka Hirshabelle.

Gudiga hirgalinta doorashoyinka ee dowladgoboleed ayaa sheegay in 13 kursi lagu tartamidoono wareega kowaad ee doorashada. 

“Waxaan ku jirnaa maalinti saddexaad ee diyaargarowga doorashooyinka. Waxaan diyaarineynaaergooyinkii, waxaan ka shaqeynayna kaararkiiaqoonsiga ergada.

Waxan rabna inaan dedejinohowlaha. Hadda waxaan diyaar ah 13 kursi siloogu tartamo, waxan rajeyneynaa inaan ku soogabagabeyno qeybtan hore ilaa arbacada 16 November” Sidaa waxa yiri afhayeenka GDDHDG Cusmaan Baarey.
 
Dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa aheydmaamulkii ugu danbeysay ee dhismahafederaalka Soomaliya.
 
Dowlad goboleedka ayaa soo gabagabeysaydoorashada Aqalka sare isbuucii hore waxaynaisla markiiba bilaabeen diiwan galinta ergooyinkiidooran lahaa xubnaha Aqalka hoose.

“Anaga, Ururka haweenka qaranka ahaan aadayaan ugu faraxsanahay in qoonadadii haweenkala meel mariyay”. Ayay tiri Bilan Bile Maxamud ooka tirsan dadka degan magaalada Jowhar sidookale ka mid ah ururka haweenka. 
 
Maxamed Axmed Xusseen, odey dhaqameedayaa yiri “ Tani ETA  guul u soo hoyatay dowladgoboleedka Hirshabelle, Hirshabelle waxay aheyddowlad goboleedkii uis gu danbeeyay ee la dhiso. Dad badan ayaa u maleynayay ineysan macquulaheyn in waqtigaa yar lagu dhiso”.