Siddeed xildibaan oo kale oo lagu doortay doorashooyinka Aqalka Hoose ee Jubbaland, Galmudug iyo Puntland

Mid ka mida Ergada ayaa tirinaya codadka intii lagu guda jiray hanaanka doorashada ee lagu dooranayo xubnaha aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya gudaha magaalada Kismaayo, Soomaaliya, 15 Nofembar 2016. Sawir QM

 
15 Nov 2016

Siddeed xildibaan oo kale oo lagu doortay doorashooyinka Aqalka Hoose ee Jubbaland, Galmudug iyo Puntland

 

Shan xildhibaan oo kale ooka tirsan Aqalka Hoose ee baarlamaankafederaalka, oo ay ka mid tahay qof dumar ah, ayaamaanta lagu doortay doorasho maalintii lixaad kasocota magaalada Kismaayo.

Doorashadan ayaa wadarta guud ee xildhibaannadalagu doortay Jubbaland ka dhigaysa 37, oo ka mid ah 43 kursi ee loo qoondeeyey maamulkaas.
 
Maamulka Jubbaland waxaa hadda u haray kaliyalix kursi oo u baahan in la buuxiyo muddada ay socoto doorashooyinka Aqalka Hoose.
 
“Waa cusub ayaa u dhashay Soomaaliya,” ayay tiriSahra Xaaji Cali, wax yar ka dib markii lagudhawaaqay in ay guulaysatay.
 
“Waxaan rabaa in aan diiradda ku saarodadaalkayga dhisidda isbitaallo iyo horumarintadaryeelka caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, hagaajinta waddooyinka xun, xaqiijinta in dadkagaajeysan ay helaan cunto iyo biyo,” ayay raacisaySahra.
 
Dhanka Garoowe ee caasimadda Puntland, kaliyahal xildhibaan ayaa lagu doortay doorashadiishalay galab dhacday. Tani waxay tirada guud eexildhibaannada ilaa hadda lagu doortay Puntlandka dhigaysaa 19 ka mid ah 37-da kursi ee loo qoondeeyey maamulkaas.
 
Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, Cali Axmed Jaamac Jangeli ayaa ku guulaystay kursigaqura, isagoo ka adkaaday saddex musharrax isagala tartameysay.
 
“Loollan adag ayuu ahaa. Waxaana u sabab ah musharraxiinta u tartameysay kursigan oo wadaahaa dad miisaan culus ku leh masraxasiyaasadda,” ayuu yiri Saciid Jaamac Qorsheel ooka mid ah Guddiga Heer Maamul goboleed eeHirgelinta Doorashooyinka Dadban.
 
Doorashada 18-ka kursi ee harsan ayaa la qabandoonaa dabayaaqada bisha, sida uu sheegayguddiga u kuurgalaya doorashada maamulka Puntland.
 
Dhinaca kale, magaalada Cadaado ee xaruntamaamulka Galmudug, waxaa doorasho dhacdaygalabtii Axadda lagu doortay labo mudane oo kamid noqday Golaha Shacabka.
 
Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac ayaa ka mid ah xildhibaannada la doortay.
 
“Waxaan rabaa in aan si gaar ah ugu mahadceliyo 51-ka ergo ee ka qeybgalay hannaanka codaynta.  

“Waxaa igu aamintayn mas’uuliyad wayn. Waxaanrabaa in aan idin sheego inaydaan ka shallayndoonin go’aankan. Waxaan ballanqaadayaa in aanwax qaban doono,” ayuu yiri mudanaha la doortay.
 
Duniya Maxamed Cali, oo ah haweeneydii uguhorreysay ee ka mid noqotay xildhibaannada lagudoortay doorashada Aqalka Hoose ee Galmudug, ayaa lagu dhawaaqay xildhibaannimadeeda ka dib markii haweeney kale oo la loollamaysay ay isagahartay tartanka. 
 
Galmudug ayaa ka gaabinaysa doorashada AqalkaHoose, iyadoo ilaa hadda la buuxiyay shan kursioo ka mid ah 36-da kursi ee maamulkaas loo qoondeeyey.