Dowladda Shiinaha oo lacag dhan 1 milyan oo doolar oo gargaar bani’aadinimo ugu deeqday Soomaaliya

5 Jul 2017

Dowladda Shiinaha oo lacag dhan 1 milyan oo doolar oo gargaar bani’aadinimo ugu deeqday Soomaaliya

Muqdisho – Hay’adda Socdaalka ee Qaramada Midoobay (IOM) ayaa manta sameysay xaflad lagu dahfurayay bilowga mashruuc laga gol leeyahay in wax looga qabto baahida degdegga ah ee loo qabo hooy iyo alaabta aan cunnada ahayn. Mashruucan waxaa lagu kharash gareyn doonaa lacag dhan 1 milyan oo doolar oo ka timid dowladda Shiinaha.

Xafladda daahfurka ayaa lagu qabtay caasimadda dalka waxaana goobjoog ka ahaa Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Qin Jian, madax sare ee ka socotay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen masuuliyiin ka socday Wasaaradda Arrimaha Bani'aadamnimada iyo Maareynta Musiibooyinka, Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Gerard Waite oo ah Madaxa Howlaha IOM Soomaaliya, ayaa ku ammaanay dowladda Shiinaha taageerada joogtada ah ay ku bixiso arrimaha bani’aadinimada ee qaaradda Afrika. Mudane Waite ayaa xaqiijiyay in hay’adda ay IOM ay ka go’an tahay in ay si dhow ula shaqeyso hay’adaha kale ee gargaarka iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya si xal waara looga gaaro caqaabadaha ay sababaan musiibooyiinka dabiiciga ah iyo kuwa ay dadka sababaan ee Soomaaliya.

“Barnaamijkan oo ay taageerayaan dowladda Shiinaha, hay’adda IOM, iyaga oo la kaashanaya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, hay’adaha kale ee Qaramada Midoobay iyo maamul goboleedyada, ayaa lagu dabooli doonaa baahida hooyga ee dadka dhowaan ay barakiyeen abaaraha iyo colaadaha,” ayuu yiri Mudane Waite.   

Waxaa uu xusay in taageeradan lagu kaabi doono barnaamijyada kale ee ay waddo IOM, oo ay ka mid yihiin isku duwidda xerada iyo maareynta xerada, la socodka xogta barakacayaasha, iyo barnaamijyada lagu taageerayo kabashada iyo xasilloonida waarta ee Soomaaliya, oo haatan laga wado heer federaal.

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Qin Jian, ayaa hoosta ka xarriiqay in ujeeddada laga leeyahay deeqda waa in lagu kaalmeeyo dadka barakacayaasha ah, dadka nugul, iyo qaxootiga dib ugu soo laabanaya Soomaaliya, sida uu ahaa heshiiska ay 15 May 2017 ay Beijing ku kala saxiixdeen dowladda Shiinaha iyo hay’adda IOM. (https://www.iom.int/news/china-backs-un-migration-agencys-work-somalia).

“Wakhti aan fogeyn ayaa dowladda Shiinaha ugu deeqday Soomaaliya lacag dhan 10 milyan oo doolar oo gargaar bina’aadinimo loogu talogalay, oo ka mid tahay 2800 tan oo bariis heer sare ah ee Shanghai laga soo qaaday lana gaarsiiyay Muqdisho, si loogu caawiyo dadka Soomaaliyeed ay cunno yari daran soo foodsaartay kaddib markii ay ku dhufteen abaaro ba’an,” ayuu yiri Safiir Jian, isagoo intaasi u daray in labada dal ay u dhaxeyso taariikh dheer iyo xiriir wanaagsan.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Bani’aadinimida iyo Maareynta Musiibooyinka ee dowladda federaalka ah, Maxamed Macalin, ayaa ku ammaanay dalka Shiinaha deeqda ay bixisay.

Waxaa uu xusay in beesha caalamka looga baahan yahay taageero dheeraad ah marki la eego baahida baaxadda weyn ee loo qabo taageero bani’aadinimo. Xoghayaha joogtada ah ayaa sheegay in inkastoo uu roobka yimaaday, xaaladda ay weli tahay mid aad u daran.

Xogyahayaha joogtada ah ee Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Cadbi Dirshe, ayaa ku baaqay in lala yimaado xal dhinac walbo taabanaya ee looga jawaabayo arrimaha degdegga ah waxna looga qabanayo musiibooyiinka bani’aadinimada ay sababaan dadka, oo ay ka mid tahay colaadaha iyo in aan la lahayn awood wax looga qabto isbeddelka cimilada sida abaaraha iyo daadadka, haddii la doonayo in mustaqbalka Soomaaliya ay ka hortagto musiibooyinka bina’aadinimada.

“Waxaan dooneynaa in aan isku xirno dadaallada horumarinta iyo jawaabta arrimaha degdegga ah. Deeqdani iyo lacagahani waa in si isku mid ah loo isticmaalo si aan uga hortagno in ay dhibaatooyinkani soo noqnoqdaan,” ayuu yiri Mudane Dirshe.

Agasimaha Qaybta Asia/Australia ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Shirwac Cadbullaahi, ayaa ugu mahadceliyay dowladda Shiinaha deeqda ay bixisay, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in sidoo kale wax laga qabto waxyaabaha dadka barakiciya iyo colaadaha si mustaqbalka loo yareeyo dhibaatooyinka bina’aadinimo ee ku soo noqnoqda Soomaaliya.