Ergeyga Gaarka ah oo soo dhoweeyay furitaanka baarlamaanka Soomaaliya

9 Jul 2017

Ergeyga Gaarka ah oo soo dhoweeyay furitaanka baarlamaanka Soomaaliya

 

WAR-SAXAAFADEED 13/2017

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa soo dhoweeyay furitaanka Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna u hambalyeeyay Guddoomiyaha iyo Baarlamaanka. Ergeyga Gaarka ah ayaa ka qaybgalay xafladdii furitaanka rasmiga ah ee Kal-fadhiga Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya iyadoo xafladda ay joogeen Madaxweynaha, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah iyo madax sare oo ka tirsan dowladda oo ay kujiraan xubnaha Golaha Wasiirada 8dii Luulyo.

“Waxaan u hambalyeynayaa Guddoomiyaha iyo xildhibaanada,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating. “Baarlamaankan wuxuu heystaa aqoonsi ka xoog badan baarlamaanadii ka horreeyay, taasina waxay asaas ahaan muhiim u tahay guulaha mustaqbalka ee Soomaaliya. Yididiilada ay ka qabaan dadka Soomaaliyeed aad ayay u sarreysaa.”

“Tani waa fursad qaali ah. Su’aasha weyn waxay tahay in baarlamaankani uu ka faa’iideysan doono fursadda siyaasadeed ee hadda ay haysato Soomaaliya, haddii ay noqon lahayd sharciyadda Dowladda Federaalka ah, kalsoonida sida gaarka ah loogu qabo ayna kamid tahay tirada 25 boqolkiiba inay yihiin haween, iyo haddii ay noqon lahayd heerarka sarreeyo ee taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya ay haysato,” ayuu yiri Mudane Keating. “Baarlamaanka Soomaaliya kaalin muhiim ah ayuu ka qaadan karaa horumarka isagoo meelmarinaya sharciyada, oo ay ku jiraan sharciga doorashada, sharciyo suurto gelinaya dib-u-eegis dastuur iyo soo saarista dakhliga.”

Ergeyga Gaarka ah ayaa intaas raaciyay in gobannimada dhabta ah ee Soomaaliya ay ku xirantahay hadba sidii dalku u yareeyo ku tiirsanaanta dad kale, iyo awoodda uu u yeesho soo ururinta dakhliga iyo qaabaynta ajendayaashiisa, gaar ahaan ajendayaasha lagu xoojinayo amniga iyo sarreynta sharciga, lagu horumarinayo nabadda iyo dib-u-heshiisiinta, lagulana shaqeeynayo dareenka ganacsi ee cajiibka ah ee Soomaaliyeed iyo waaxda gaarka loo leeyahay si loo abuuro shaqooyin.

Beesha caalamka iyo hay’adaha Qaramada Midoobay waxaa ka go’an inay la shaqeeyaan baarlamaanka si loo gaaro natiijooyin wax ku ool ah oo ay ka faa’iideystaan dhamaan dadka Soomaaliyeed.