Dowladda Soomaaliya, UNDP, iyo UN-HABITAT oo daah-furay Tartanka Hal-abuurka ee dhallinyarada

31 Jan 2018

Dowladda Soomaaliya, UNDP, iyo UN-HABITAT oo daah-furay Tartanka Hal-abuurka ee dhallinyarada

Muqdisho – Dhallinyarada Soomaaliya ayaa waxaa lagu dhiiriggelinayaa in ay la yimaadan xal wax looga qabanayo dhibaatooyinka badan ee haysta barakacayaasha dalka jooga.

Mashruuca “tartanka hal-abuurka” ee aadka u ballaaran oo looga gol leeyahay in dhallinyarada laga uruuriyo fikrado ku saabsan sida sare loogu qaadi karo xaaladda nolosha dadka barakacayaasha ayaa waxaa maanta daah-furay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo labo hay’adood ee Qaramada Midoobay ah, kuwaas oo kala ah Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP) iyo Barnaamijka Qaramada Midoobay ee Degsiimada Aadanaha (UN-HABITAT).

Tartanka waxaa uu qayb ka yahay mashruuc loogu magac-daray “Hal-abuur u samee Soomaaliya” oo ay hormuud ka tahay UNDP oo kaashaneyso  Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee dowladda federaalka ah iyo Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee dowladda federaalka ah. Mashruucan cusub oo hal-abuurka ah waa mashruuca seddaxaad ee noociisa ah, waxaana uu u furan yahay dhallinyarada Soomaaliyeed ee barakacayaasha ah, qaxootiga dalka dib ugu soo laabtay iyo dhallinyarada deegaanka ku nool.

Madaxda sare ee Qaramada Midoobay oo uu ka mid yahay Kaaliyaha Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Maamulaha UNDP, Achim Steiner, Kaaliyaha Xog-hayaha Guud u qaabilsan Arrimaha Bani’aaddinimada ahna Isku Duwaha Gargaarka Degdegga ah ee Qaramada Midooba, Mark Lowcock, iyo Madaxweyne ku Xigeenka Koowaad ee Bangiga Adduunka Mahmoud Mohieldin, ayaa muujiyay in ay si buuxda u taageerayaan mashruuca intii ay ku guda jireen kulanka ay la yeelanayeen dhallinyarada Soomaaliyeed maalintii labaad ee ay booqashada ku joogeen Soomaaliya.

Dhallinyarada ka qayb-gashay ayaa waxaa ay mas’uuliyiinta Qaramada Midoobay iyo Mudane Mohieldin u sharraxeen fikradahooda ganacsi, oo ay ka mid ahaayeen agabka iyo macluumaadka internet-ka, hab lagu horumarin karo diyaarinta caanaha, iyo hababka lagu quudiyo xoolaha.

“Ma jiro waddan doonaya in uu ku tiirsanaado gargaarka degdegga ah,” ayuu Mudane Lowcock ka sheegay kulan ay isugu yimaadeen hal-abuureyaasha dhallinyarada ee lagu qabtay magaalada madaxda dalka ee Muqdisho. “Habka kaliya ee aan ku guuleysan karo hammigeyga ah in aan la ii sii baahanin haddaan ahay Isku Duwaha Gargaarka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay waxaa weeye in uu Achim Steiner uu si weyn ugu guuleysto in uu idin ka caawiyo in aad si weyn u guuleysataan. Sidaan ogahay, waxaad tihiin xalka, nasiib wanaagsan,”ayuu yiri.

Mas’uul ka tirsan wasaaradda qorshaynta ee dowladda federaalka ah ayaa soo dhaweeyay fikradaha hal-abuurka ah ee ay soo bandhigeen dhallinyarada Soomaaliyeed, kuwaas oo wax looga qaban karo dhibaatooyinka bulsho iyo mid dhaqaale ee haysta dalka.

“Runtii, ma dooneyno in aan ku tiirsanaano taageerrada bani’aaddinimada. Tani ayaa xal inoo ah, waana arrin aan ku dadaali karno, ayuu yiri isku duwaha awoodda soo kabsashada ee wasaaradda, Cabdullaahi Alas.

Mudane Steiner ayaa kula taliyay dhallinyarada in ay sameeyaan xiriirro xirfadeed si ay u horumariyaan hal-abuurkooda. “Waxaan aan fidinnaa taageerro gargaar degdeg ah oo aad u badan. Balse waxaa aan aad u jecelnahay ayaa waxaa ay tahay in aan la shaqeyno dhallinyaro sidiinna oo kale sababta oo ah haddii aan ku guuleysanno wada shaqeyntiinna, in aan idin ka caawinno in aad u gudubtaan heerka xiga, waxaa aad Soomaaliya gaarsiineysaan heerka xiga,” ayuu yiri.

Madaxa sare ee ka socday Bangiga Adduunka ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka faa’iideystaan fursadaha ay bixinayaan dowladda, bulshada rayidka iyo bah-wadaagta horumaritna ee Soomaaliya ee loogu talagalay hal-abuurka.

“Haddii aan nahay Bangiga Adduunka, waxaa aan si toos ula shaqeynaa dowladaha. Balse, waxaa aan leennahay qayb awood badan ee u qaabilsan ganacsiyada gaarka ah, waxaana aad ugu faraxsanahay in uu saaxiibkay I ogeysiiyay maanta in aan hayno dhaqaale ku dhow 10 milyan oo doolar ee loogu talagalay Soomaaliya si gacan looga geysto ganacsiyada cusub, kuwa yaryar iyo shirkadaha yaryar,” ayuu yiri Mudane Mohieldin.

Mashruuca “Hal-abuur u same Soomaaliya” waxaa markii ugu horreysay la qabtay bishii Oktoobar 2017-kii, halkaas oo dhallinyarada Soomaaliyeed lagu siiyay fursad ay ku soo bandhigeen fikradahooda ganacsi si ay u helaan dhaqaale ay ganacsiyadooda ku hirgeliyaan. Xalka wax ku oolka ah ee lagu horumarin karo xaaladda nolosha iyo hab-nololeedka barakacayaasha ayaa waxaa ay noqon doonaan iyada oo loo marayo tababarka ganacsiga, hirgelinta iyo helitaanka dhaqaalaha.

Mas’uuliyiinta sar sare ee Qaramada Midoobay iyo Mudan Mohieldin ayaa sidoo kale malintii ugu dambeysay ee booqashadooda booqday Xarunta Isku Duwidda Howlaha Abaaraha si warbixin gaaban laga siiyo dadaallada hay’adaha Qaramada Midoobay iyo hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee ay wax uga qabanayaan baahida malaayin qof oo Soomaali ah oo ay abaaraha si weyn u saameysay.