Rinjiyeyn midba mar: Farshaxan firfircoon oo ku dhaqan Puntland oo hageysa dhallinyarada jecel farshaxanka

2 Feb 2018

Rinjiyeyn midba mar: Farshaxan firfircoon oo ku dhaqan Puntland oo hageysa dhallinyarada jecel farshaxanka

Markii aan la kulannay Leyla, waxaa ay ku sugneyd xarun ay ka buuxaan rinjiyada wax lagu sawiro, midabo kala duwan iyo dhowr qalin qori. Leyla oo ah farshaxan, ganacsato dhinaca farshaxanka iyo qof dadka hago ayaa waxaa ay aaminsan tahay in farshaxanku uu yahay hal-abuur iyo in dadka lagu dhaliyo in ay yeeshaan hal-abuur, iyo sidoo kale in uu keeno nabad iyo wada-noolansho.

“Farshaxanku waxaa uu abuuraa jawi xasilloon, oo uu qofka dareemayo xasillooni iyo daganaan, uuna is dhexgal wanaagsan la sameynayo dadka kale. Farshaxanka waxaa uu nagu caawiyaa in aan sameyno is dhexgal oo aan dhiiriggelinno in si wadajir ah dhibaatooyinka loo xalliyo,” ayay tiri Leyla.

Kaddib markii ay waxbarashada farshaxanka iyo naqshadeyna ka soo dhammeysatay Yurub, Leyla waxaa ay u soo guurtay caasimadda Puntland ee Garowe, halkaas oo ay ka waddo ol’ole ku saabsan in faham wanaagsan laga yeesho kaalinta wanaagsan uu dhaqanku ka ciyaari karo bulshada dhexdeeda. Waxaa ay carrabka ku adkeysay in farshaxanka loo adeegsan karo agab wanaagsan ee wacyigelin lagu sameeyo, lagu horumariyo dhallinyarada, laguna soo celiyo sharaftii ay Soomaaliya ku lahayd dunida.

 “Carruurta iyo dhallinyarada waxaa ay u baahan yihiin in ay si xor ah rabitaankooda uga hadlaan, tanina waxaa lagu sameyn karaa farshaxan,” ayay tiri Leyla. “Farshaxanka waa in lagu daro manhajka waxbarashada dalka, si ay mustaqbalka carruurta u dhisaan bulsho wanaagsan. Wax sawiridda waxaa ay

Iyada oo hammigan leh, Leyla waxaa ay sanadkii 2013-kii aasaastay hay’addeeda lagu magacaabo  Waves of Somali Innovative Arts (WOSIA), taasi oo dhallinyarada Soomaaliya ka caawisaa in ay fahmaan ayna kobciyaan xirfaddooda dhinaca farshaxanka.

“Waxaan si joogta ah u booqdaa dugsiyada, waxaana maamuleyaasha dugsiyada weydiiya in ay soo xulaan ardayda ku fiican sawir gacmeedka, kaddib waxaan bixiyaa waxaa loo yaqannno ‘fasallada farshaxanka ee wareega.’ Hadda, WOSIA waa machadka farshaxanka ee ugu fiican Puntland, mid ka mid ah guulaha ugu waaweyn ee aan gaarneyna waa in aan ku dhiiriggelino gabdhaha in ay wax sawiraan oo ay wax rinjiyeeyaan,” ayay tiri.

Si la mid ah farshannada badan ee guud ahaan caalamka, guulaha ay gaartay Leyla ma ahan mid ay si fudud ku gaartay.

“Markaan kuleejka ku jiray, waxaan ahaa gabadha kaliya ee baraneysay farshaxanka iyo fanka naqshadeynta, dadka qaarkood waxaa ay isku dayeen in ay iga reebaan, iyaga oo leh waxaa habbooneyd in aan qaato maaddo kale. Hase yeeshee, markii dambe waa ay aqbaleen, waxbarashadeydana waa aan ka miro dhaliyay,” ayay tiri.

Caqabadda ugu weyn, ayay tiri Leyla, waxaa ay ka imaaneysaa dadka aan fahamsaneyn shaqadeeda oo aan wax wanaagsan u arkeynin.

“Dad badan waxaa ay shaqadeyda farshaxanka iyo naqshadeynta ka eegaan dhinaca diinta, waxaa ayna igu canaantaan sawirka aan sawirro xayawaannada iyo dadka. Balse, waxaan ku rajo weynahay in ay dad badan fahmayaan sawirkeenna”,  ayay raacisay. 

Leyla waxaa ay aqoonsan tahay in farshaxanku aanan inta badan lacag fiican laga helin Soomaaliya, waxaa ayna ardaydeeda ku dhiiriggelisaa in ay soo saaraan sawirro tayo fiican leh kuwaas oo la daabici karo ama loo adeegsan karo naqshadeynta xafiisyada ama guryaha.

“Ardaydeda waxaan sidoo kale baraa in ay la yimaadaan habab casri ah oo ay ku horumariyaan farshaxankooda. Tusaale ahaan, baraha bulshada waxaa ay iga caawiyeen in aan dadka la hadlo oo aan u bandhigo farshaxankeyga,” ayay tiri Leyla.

Leyla mashruuceeda weyn ee xiga waa daah-furka xaflad sanadle ah oo ay ugu magac-dareyso Bandhigga Farshaxanka ee WOSIA, si Soomaaliya loogu horumariyo farshaxanka iyo dhaqanka, gaar ahaan gabdhaha iyo wiilasha dhexdooda.

 “Waxaan diyaarinayaa oo aan dhiiriggelinayaa farshannada dalkan ee mustaqbalka, aad ayaana ugu faraxsanahay,” ayay ku soo gabagabeysay Leyla.