Dr. Saamiya Maxamed Cilmi: U adeegsiga saameynta baraha bulshada gacan-siinta caafimaadka dadweyne ee Soomaaliya

16 Oct 2021

Dr. Saamiya Maxamed Cilmi: U adeegsiga saameynta baraha bulshada gacan-siinta caafimaadka dadweyne ee Soomaaliya

Muqdisho — Sida da’yar badan oo Soomaaliyeed, ayey Dr. Saamiya aad u xiiseysaa adeegsiga baraha bulshada, gaar ahaan Twitter-ka.

Waxa ay noqotay qof saameyn baraha bulshada ku leh oo aad loo yaqaan islamarkaasna Twitter-ka ku leh taageereyaal gaaraya ku dhawaad 40,000 qof, iyada oo leh laba meel oo aad muhim u ah oo ay diiradda saarto. Mid ka mid ah waa muuqaalka ay Soomaaliya ka qabaan dadweynaha caalamku.

“Haddii aad Google-laha ka raadiso Soomaaliya, wax kasto oo aad arkeysaa waa sawir khaldan, sida colaad iyo burbur. Waxa aan doonayaa in aad taas beddelo. Waxaa hadda gacanteenna ku jira agabkii-baraha bulshada- si aan u beddelno fahamka qaldan ee dalkeeena laga qabo. Maanta wax walbo waa dijitaal, waana sababta aan diiradda u saaray baraha bulshada si aan ugu dodo isbedel” Ayee Dr. Saamiya leedajay.

“Anaga(dhalinyarada) ayey na khuseysaa in aan soo bandhigno dhanka wanaagsan ee dalkeenna iyo sidoo kale dhaqankeena iyo sooyaalkeenna qaniga ah.” Ayeey raacisay “Dhanka quruxda iyo wanaagga leh ee aanay warbaahintu marna soo bandhigin.

26-jirtan ayey diiraddeeda labaad ee dowrkeeda adeegsiga baraha bulashadu waafaqeysaa waxbarashadeeda: caafimaadka guud ee Soomaaliya

“Haddii aad aqoon u leedahay majaal cayiman,waxa aad u baahan tahay in aad dadka ka caawiso in ay fahmaan. Waa intaas waxa aan baraha bulshada ka sameeyo” ayey dhakhtaradda da’da yari leedahay. “Waxa aan dadka kula taliyaa in ay joogteeyaan faayaqab jireed iyo mid maskaxeed. Waxa aan ku boorriyaa in ay cunaan cunto isku dheelli tiran, ay si joogto ah u jimicsadaan oo ay hurdo ku filan iyo nasiino helaan. Biyo cab. Nadaafadda afkaaga joogtey. Sigaar cabidda iska jar. Iska yarey cusbada iyo sokorta, oo joogtey qaadashada tallaalada si aad cudurrada uga dhowrsanaatid.”

Waxbarashada Caafimaadka Guud

Dr. Saamiya waxa ay Muqdishu ku dhalatay bishii Janaayo 1995. Waxa ay wax ka baratay Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Saacid ee ku yaal Muqdishu intii u dhaxeysay sanadihii 2001 ilaa 2008, ka hor inta aynan u wareegin Dugsiga Hoyga Xamar, halkaas oo ay dugsiga sare ku dhameysay sanadkii 2011-kii.

Riyadeeda ah in ay bulshadeeda dib wax ugu qabato ayaa u horseedday in ay raadsato xirfad ka mid ah caafimaadka guud.

“Waxa aan shahaadada Baajularka ee Daweynta iyo Qaliinka ka qaatay Jaamacadda Jazeera ee Muqdishu. Markii aan qalin jabiyey 2017-kii, waxa aan ku biiray Midowga Dhaqaatiirta Da’yarta ah ee Soomaaliyeed (SOYDA) anigoo noqday kaaliye dhaqtar si aan u caawiyo haweenka iyo carruurta nugul- oo badigood aha dadka gudaha dalka ku barakacay (IDPs)” ayey tiri.

Dr. Saamiya waxa ay ka  shaqeysay kaamamka barakacayaasha ee Muqdisho ka hor inta aysan u guurin gobolka Baay ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, halkaas oo loo shaqaaleysiiyey in ay noqoto Sarkaalka Gobol ee Barnaamijka la Ballaariyey ee Tallaalka (EPI) ee Wasaaradda Caafimadka ee ay QM taageereysay intii u dhaxeysay 2019 ilaa 2020.

“Tallaalku nolol ayuu badbaadiyaa waxa uuna xoojiyaa difaaca jirka ee carruurta.” Ayey Dr. Saamiya xustay. “Waxa ay sidoo kale gacan ka geystaan xakameynta cudurrada ku dillaaca carruurta –waxa ay xaq u leeyihiin in ay helaan  korriinshiyo caafimaad leh.”

Bah-wadaagta barnaamijka tallaalka ee EPI ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka waxa ay la shaqeeyaan hay’adaha caafimaadka si ay carruurta Soomaaliyeed uga tallaalaan siddeedda cudur ee tallaalka looga hortagi karo: Qaaxada carruurta, Gowracatada, hargabka haemophilus nooca B, cagaarshowga nuuca B, jadeecada, xiiq-dheerta, dabaysha iyo teetanada.

Qorshahan waxa uu taageerayaa tallaal joogto ah oo cudurradan ilaa 607 goobo caafimaad 117-ka dagmo ee la gaari karo ee dhammaan 123 degmo ee Soomaaliya oo dhan, iyada oo qoysaska ilmaha heysta lagu dhiirri-gelinaayo in ay booqdaan goobaha caafimaad ee ugu dhaw ugu yaraan shan jeer ka hor inta aysan carruurtoodu sanad gaatin.

Sida badan xarumahan caafimaad, sida xarumaha caafimaad ee hooyyada iyo dhallaanka, waxaa maamula hay’ado aan dowli aheyn iyo Dowladda Soomaalia, iyaga oo kaalmo ka helaya hay’ado sida Gavi, the Vaccine International.

U shaqeynta barnaamijka tallaal ee EPI ayaa sidoo kale gacan ka geystay inuu siyaabo kale u horumariyo  xirfadda dhaqaatiirta da’yarta ah. Waxa ay dhameysatay barnaamijkiisa koorsada sagaalka bil ee shahaadada barnaajimka Maareynta iyo Hoggaaminta ee Barnaamijka la Ballaariyey ee Tallaalka (EPI LAMP), oo ay ujeedadiisu tahay xoojinta hoggaamka iyo maamulka barnaamijyada tallaalka ee waddamada ay hay’dada Gavi taageerto.

“Barnaamijka EPI waxa uu dardar geliyey xirfaddeyda. Waxa aan bartay sida loo dhiso siyaasadda, Istaraatiijiyadaha iyo habraacyada barnaamijka EPI, iyo sida loo hirgeliyo qorsheyaasha ololaha tallaalka,” ayay xusuusaneysaa. “Waxaa kale oo aan helay tababarro karaan-dhis ah oo ku saabsan la socodka cudurrada iyo qiimeynta iyo kormeerka.

Marka ay dhameysatay koorsada EPI LAMP bishii Maajo sanadkan, waxa ay Twitterkeeda @SamiaMahmet ku qortay “ Ilaa iyo hadda, waxa uu barnaaminkan ahaa mid ka mida kuwii ugu fiicnaa ee aan abid ka qeyb galo, nasiib baan u yeeshay in aan barto oo aan ugu dambeyn dhihi karo waan ka dhabeeyey! Waxa aan u mahadcelinayaa qof kasta [ Gavi, Kulliyadda Caafimaadka Guud ee Yale, PATH, Global Health Equity iyo Wasaaradda Caafimaadka ee Federaalka ah ] oo ka qeyb ahaa in barnaamijkani si guul leh u soo ku soo dhamaado.

Ka hadlidda Cudurka Koofid-19

Bilihi u dambeeyey waxa la arkayey waxyaabaha Dr Saamiya ay baraha bulshada ku qortay waxay u badnaayeen dagaalka lagaga hortagaya cudurka karoonaha (KOOFID-19). Cudurkan safmarka ah waxa uu keenay caqabado caafimaad,dhaqaale iyo mid bulsho.Caqabadahan waxaa kamid ah xubno kamid ah bulshada oo diiday talaalka.

“Talaalka in la aamin baxo iyo cagajiidka waxaa keenay quraafaad iyo marin-habaabin” ayey tiri. “Dadka waa in aanay ka baqin in la tallaalo. Talklaalka waa ammaan iyo bilaash.Fadlan aada.badbaadiya noolasha.

“Iyada oo tallaalka KOOFID-19 uusan 100-kiiba boqol waxtar lahayn, wuxu kaa caawinaa in aan cisbitaal lagu seexin haddiba aad qaaddo. Weli waxad u baahan tahay in aad taxaddarto iyo in aad dadka kale ilaaliso adigaa xiranaya afxirka”, ayey ku dartay Dr.Saamiya. “Laakin dadka waa in ay ka baqin talaalka. Dawa maleh KOOFID-19, waana in ay ogaadaan ka hortagga ayaa marwalbo ka wanaagsan daweynta.

Dhakhtaraddu waxay rajeyneysaa in wixi ay ku soo biirisay doodad bulshada ay wax ku kordhineyso xiriirka socdo iyo ololaha wacyigelinta ee ay waddaan saraakiisha caafimaadka Soomaaliyeed oo taageero ka helaya hay’adaha QM iyo saaxibbada kale ee caalamiga ah.

“Wacyigelinta waa in ay ka billaabataa heer qoys,markaa kadib saaxibada,hoggaamiyeyaasha bulshada,culimada,warbaahinta iyo dadka siyaasadda dejiya.Dadka waxa ay jecelyihiin in ay dhageystaan dadka ay aaminsanyihiin.Kuwa aan rabin in ay qaataan talaalka KOOFID-19 waxay beddeli doonaan fakarkooda mar haddiba qof ay aaminsanyihiin ee iyaga ka tirsan u sharraxo faa’iidada ay iyaga u leedahay,” ayey tiri.

“Haddi lagula soo xiriiro billow, Dr. Saamiya oo hadalka sii wadatay ayaa tiri, “iyada oo dadka loo gudbinaya farrin cad oo dhaqan ahaan habboon ee ku saabsan cudurka safmarka ah iyo talaalka,waxaa hubaal ah in dadka yeelan doonaan kalsooni iyo aaminaad-waxayna talaalka u qaadan doonaan si tiro badan.