Hadal-jeedinta Xoghayaha Guud ee QM ee Shirka Heerka-Sare ee Soomaaliya

28 Sep 2015

Hadal-jeedinta Xoghayaha Guud ee QM ee Shirka Heerka-Sare ee Soomaaliya

New York, 28 Septembar 2015 - Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Mudane Dr. Abdusalam Hadliye Cumar, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya, Mudane Dr. Nkosazana Dlamini -Zuma, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Dr. Nabil Elaraby, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Mudane Mr. Iyad Ameen Madani, Guddoomiyaha Ururka Iskaashiga Islaamka, Marti-sharafyada, Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaan ku faraxsan ahay inaan soo dhaweeyo la-guddoomiyeyaashayda iyo dhammaantiin kulankan muhiimka ah.

Bilowgiiba, waxaan rabaa inaan tacsi tiiraanyo leh u gudbiyo dhibbanayaashii musiibadii foosha xumayd ee toddobaadkii hore ka dhacday Maka. Niyaddaannu kala la jirnaa qoysaska iyo Dowladaha dadkii dhintay, waxaana kuwa dhaawacmay u rajeynaynaa caafimaad iyo soo kabasho deg deg ah.

Waxaan salaamayaa hoggaanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra'iisul Wasaare Cumar Sharma'arke, Dowladda Federaalka, Baarlamaanka Federaalka iyo Maamul-goboleedyada sida ay u hormariyaan yoolashii la isku raacay 2012-kii, iyadoo ay jiraan caqabado badan.

Waxaan sidoo kale fursaddan uga faa'iideysanayaa inaan qiro howlwadeennada Qaramada Midoobay, oo uu hoggaaminayo Wakiilkayga Gaarka ah Mr. Nicholas Kay, iyo dhammaan saaxiibbada caalamiga ah ee ka shaqeeya Soomaaliya, dadaalkooda nabadda.

Dalka Soomaaliya waxaa u ku tallaabsaday horumar joogto ah xagga dhismaha dawlad federaal ah oo dimuqraadi ah. Waxaan aragnay dhismaha Maamul-goboleedyo cusub oo KMG ah, daah-furka geedi socodka dib u eegista dastuurka, iyo abuuritaanka Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka. Ugu dambayntii, waxaan soo dhaweynayaa in 19-ka Sebtembar la bilaabo Madasha Wadatashiga Qaran si loogu heshiiyo hannaanka doorashada 2016-ka.

Kuwani waa tallaabooyin muhiim ah, laakiin dardargelinta waa in la joogteeyaa. Soomaaliya ma awoodi karto inay dhinacyo (gaar ah) ka raadsato siyaasad xisbiyeed ama dano gaar ah. Waxaan ku boorrinayaa dhammaan dhinacyada inay ka wada shaqeeyaan himilooyinkii ay dejiyeen, oo ay ka mid yihiin dhammaystirka dhismaha Maamul-goboleedyada, horumarinta dib u eegista dastuurka iyo xaqiijinta hannaan doorasho oo loo dhan yahay sannadka 2016-ka. Ma jiri karto muddo kordhin loo sameeynayo muddo-xileedyada uu dastuurku jideeyey hay’aadka fulinta iyo sharci-dejinta.

Halista Al-shabaab ayaa weli sii wiiqaysa xasiloonida dalka. Waxaan ammaan u soo jeedinayaa Midowga Afrika iyo saaxiibbada laba geesoodka ah, kuwaas oo ay hawlgalladooda ay la sameeyeen ciidamada Soomaaliya ay Al-Shabaab ka saareen meelo muhiim ahaa oo ay ku xoogganaayeen. Waxaan kaloo soo dhaweynayaa ujeedka Golaha Ammaanka ee ah in dib loo eego Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee AMISOM si loo hubiyo in tas-hiilaad ama dhaqaale loo helo si loo taageero hawlgaladaas muhiimka ah, oo ay tahay in loo fuliyo si waafaqsan sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada iyo ixtiraamka xuquuqda aadanaha.

Isla mar ahaantaana, halista Al-shabaab loogama adkaan karo hab ciidan oo keliya. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed, iyo sidoo kale saaxiibbada Soomaaliya, deriska iyo saaxiibadeed, inay ka baaraandegaan baahida loo qabo hab ballaaran oo looga hortago xag-jirnimada cunfiga wata ee dalka ka jira.

Waxaan u baahan nahay inaan fahanno waxyaabaha keenaya in dadka ku biiraan Al-Shabaab. Waa inaan ka caawinnaa mas'uuliyiinta Soomaaliya inay sameeyaan beddel wax ku ool ah: gaar ahaan iyadoo la dhisayo Dawlad bixinaysa dhammaan ka qaybgalka siyaasadeed, amniga, caddaaladda iyo fursaddda dhaqaale ee loo wada baahan yahay - taasoo xushmaynaysa xuquuqda aadanaha oo dhan islamarkaana awood siinaysa haweenka dalka. Waa inaan gacan ka geysannaa ka hortagga dacaayadaha, oo aan waddo cunfiga looga bixi karo u furnaa kuwa kuwa diyaarka u ah inay ka baxaan Al-Shabaab. Qaab goboleed xooggan iyo iskaashi ayaa muhiim u noqon doona sii wadidda hadafkan.

Sida Golaha Ammaanku ogaadey, waxaa la joogaa waqtigii taageero dheeraad ah la gelin lahaa Booliiska Soomaaliya si gacan looga geysto sugidda amniga deegaannada laga qabsaday al-Shabaab. Waxaan ka codsanayaa dhammaan saaxiibada inay sii xoojiyaan dedaalkooda iyagoo qayb ka ah horumarinta ballaaran 

Ilaa 855,000 oo Soomaali ah ayaa wajahaya cunto yari ba'an. In ka badan hal milyan ayaa gudaha ku barakacay. Imaatinka tobannaan kun oo Soomaali ah oo ka soo cararaya Yaman ayaa keenay cadaadis hor leh. Yeelkeede, jaalalka bani'aadamnimada ayaa helay saddex-meelood oo hal meel kaliya lacag dhan $863 milyan oo doollar oo degdeg ah loogu baahan yahay.

Ugu dambeyn, waxaan ku boorrinayaa saaxiibbada caalamka in ay ahmiyad wayn siiyaan dib u soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya, iyada oo la raacayo xayndaabka Heshiiska Cusub. Lacaga lasoo xawilayo ayaa weli ah halbawlaha nolosha daruuriga ah. Dhanka kale Soomaalidu waa inay horumariyaan hay'adaha hufnaanta iyo la xisaabtanka ee saldhigga u ah koritaanka. Sidan oo kale oo qura ayaannu si dhab ah u bixin karnaa biddaal ka wanaagsan kan (maanta haystaan) dhallinyarada Soomaaliya.

Mustaqbal wanaagsan oo ay Soomaaliya yeelataa waa inuu ahaadaa mudnaanta wadajirka ah.

Waad ku mahadsan tihiin dareenkiinna.