EG ah ee QM u Qaabilsan Soomaaliya oo cambaareeyay weerarka lagu qaaday saldhiga AMISOM

28 Jun 2015

EG ah ee QM u Qaabilsan Soomaaliya oo cambaareeyay weerarka lagu qaaday saldhiga AMISOM

Muqdisho – 26 Juun 2015 – Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabislan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii maanta Al-Shabaabta xagjirta ah ay ku qaaday saldhiga AMISOM ee ku yaala Leego, halkaas oo ay maamulaan ciidamado ka tirsan kuwa Burundi.