Egeyga QM ee Soomaaliya oo cambaareeyay dagaalka ka soo cusboonaaday magaalada Gaalkacyo

28 Nov 2015

Egeyga QM ee Soomaaliya oo cambaareeyay dagaalka ka soo cusboonaaday magaalada Gaalkacyo

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa si kulul u cambaareeyay dagaalka mar kale saaka ka dillaacay magaalada Soomaaliyeed ee Gaalkacyo wuxuuna dhinacyada dhammaantooda ku booriyay xabad-joojin degdeg ah iyo inay furan wadahadal xal nabadeed looga gaaro arrimaha la isku haysto.

Dagaalka culus ee saaka ka dhex dillaacay ciidamada amaanka Puntland iyo Galmudug ee sababay dhimasho/dhaawac fara badan oo soo gaaray dadka rayidka, wuxuu imanayaa lix maalmood ka dib markii iska horimaadyadii koowaad ee dhexmary ciidamadaas iyo kooxo bahwadaag la ah oo hubaysan ay ku dhinteen ugu yaraan lix qof magaalada Gaalkacyo.

“Dagaalka waa in la joojiyaa, duqeyn kasta oo loo geysto goobaha ay dadka rayidku magaalada ka deganyihiin waxay noqon kartaa dembiyo dagaal ama dembiyo ka dhan ah baniaadanka, kuwa ka mas’uul ah weerarradaasna waa lala xisaabtami doonaa,” ayuu yiri ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay. “Aniga, waxaan, mar kale, Madaxweyneyaasha Puntland iyo Galmudug ugu baaqayaa inay ciidamadooda amaanka amar ku siiyaan inay degdeg dagaalka u joojiyaan lala shaqeeyaan Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashid Cali Sharmaarke si uu u qabto kulan degdeg ah oo lagu xalliyo xasaradda si nabad ah.”

Hawlgalka QM ee Kaalmeynta Soomaaliya (UNSOM) waxay diyaar u yahay inuu fududeeyo dhammaan dadaallada colaadaha lagu joojinayo xal waarana loogu raadinayo muranka u dhexeeya Puntland and Galmudug, dadaalladaasoo ay ka midyihiin kuwa ay wadaan Ra’iisal Wasaaraha iyo odeyaasha magaalada Gaalkacyo.