Maalinta Xuquuqul Insaanka Aduunka 2015 oo loogu dabaal-degayo hal-kudhigga ah: Xuuqdeenna, Xorriyaadkeena, Mar Walba

10 Dec 2015

Maalinta Xuquuqul Insaanka Aduunka 2015 oo loogu dabaal-degayo hal-kudhigga ah: Xuuqdeenna, Xorriyaadkeena, Mar Walba

Maanta waa Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka. Maalinta Xuquuqul Insaanka Adduunka waxaa sanad kasta loo dabaal-degaa 10ka December si loo xusuusto sanadki 1948di markaas oo ahayd marki kal-fadhiga Golaha loo Dhanyahay ee Qaramada Midoobay uu ansixiyay Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka. Baaqa Xuquuqul Insaanka Caalamiga ah ee sanadkani waxaa lagu daah-furayaa olole soconaya muddo hal sano ah, kaas oo loogu dabaal-degayo sanad-guuradi 50aad ee kasoo wareegtay marki Golaha loo Dhanyahay ee Qaramada Midoobay uu ansixiyay laba heshiis oo caalami ah: heshiisyadaas oo kala ah: Hehsiiska Caalamiga ah ee Arrimaha Dhaqaalaha, Bulshada, Dhaqanka iyo Heshiiska Caalamiga ah ee Xuquuqda Rayidka iyo Arrimaha Siyaasadda.

Soomaaliya waa waddan xubin ka ah heshiisyadan. Heshiisyadan oo lala xiriirinayo Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka ayaa waxay noqonayaan Sharciga Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka, kaas oo qeexaya xuquuqda arrimaha siyaasadda, rayidka, dhaqanka, dhaqaalaha iyo kuwa bulshada, kuwaas oo dhamaantood ah xuquuqda uu la dhasho bani’aadamka. Labada heshiis ayaa u suurto gelinaya dadka inay kula xisaabtamaan dowladohooda dhowridda xuquuqda dadka rayidka ah, tan siyaasadeed, dhaqaale, bulsho iyo mid dhaqan.

Hal-kudhigga sanadkan wuxuu yahay “Xuquuqdeena. Xuriyaadkeena. Mar Walba” waxaana loola jeeda in lagu horumariyo korna loogu qaado fahamka dadka ee la xiriira labada heshiis, sidoo kalena loogu daah-furo olole soconaya muddada hal sano ah, oo lagu xusayo 50 guuradi kasoo wareegtay ansixinta heshiisyadan. Ololahan wuxuu billaabanayaa 16 December 2016. Ololahan soconaya muddada halka sano ah wuxuu ku saabsanyahay xuquuqda iyo xorriyaadka – sida xorriyatul qowlka, xuquuqda cibaadaysiga, ka xoroobidda faqriga/baahida, ka beri noqoshada cabsida – kuwaas oo dhamaantood kamid ah Sharciga Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka.

“Sanadkan, Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka Adduunka waxay kusoo beegantay maalin muhiim u ah dadka Soomaaliyeed kuwaas oo soo gabagabeynaya wadatashiyo taxane ah oo ka dhacay dhamaan dalka oo dhan ayagoo doonaya inay go’aansadaan nooc doorasho oo loo wada dhanyahay laguna dooran lahaa dowlad cusub sanadka 2016” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay.

“Waxaan ku guubaabinayaa dadka Soomaaliyed iyo madaxdoodaba inay ku dadaalaan arrimaha aan soo sheegnay, kuwaas oo ka kaalmayn doona sidi ay ku heli lahaayeen xorriyaadka ku cad heshiisyada caalamiga ah, sidoo kalena ku qoran Dastuurka Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya”

“Ergada Qaramada Midoobay u Qaabilsan Kaalmaynta Soomaaliya ‘UNSOM’ waxay taageeraysaa Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyadaba, iyo Ururada Bulshada Rayidka ah, si maalintaan loogu xusuusto Muqdisho, Hargeisa, Garowe, Kismaayo iyo Baydhaba. Asagoo adeegsanaya waaxdiisa Xuquuqul Insaanka iyo Ilaalinta Xuquuqda, ayuu xafisiku taageerayaa Dowladda si loo xoojiyo dhowridda xuquuqul insaanka, sidoo kalena loogu horumariyo laguna ixtiraamo xuquuql insaanka guud ahaan dalka oo dhan”.