Ergayga Gaarka ah ee Xoghaya Guud ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo oogu baaqay dadka reer Baydhabo in ay ilaaliyaan deganaanshaha

31 Jan 2014

Ergayga Gaarka ah ee Xoghaya Guud ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo oogu baaqay dadka reer Baydhabo in ay ilaaliyaan deganaanshaha

Muqdisho - Ergaygga-Gaarka ah ee Xoghaya Guud ee Qaramadda Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya, Nikolas Kay, ayaa maanta dareen kamuujiyay xiisadda isa soo taraysa ee ka jirta magaaladda Baydhabo, kuna saabsan shir looga hadlaayo dhismaha Dowladda Goboleed ku salaysan nidaamka Federaaliga ah.

“Waxaa muhiim ah in dhamaan dhinacyadda (ay arrinta khusayso) muujiyaan degenaasho, ayna wadda hadlaan, taageeraana dadaaladda ku aadan dibuheshiisiinta. Waxaan oogu baaqayaa oday dhaqmeedyadda, siyaasiyiinta, iyo dhamaan dadka ay arrintu khusayso in ay waxqabadkooda ku saleeyaan dib-uheshiisiin iyo hab wax dhisayo,” ayuu yiri, Ergaygga Gaarka ah.

“(Sidaas darted), waa in uusan qofna qaadin talaabo wax u dhimaysa geedi socodka nabadda, habka lagu dhisayo dowladnimada. Waxaan garwaaqsanahay baahidda loo qabo in ay si dhakhso leh oogu kulmaan magaaladda Baydhabo dhamaan dhinacyadda ay arrintu khusayso si wax looga qabto dareenka dhabta ah ee jira iyo rabitaanka dhinacyadda oo dhan. UNSOM waxay si dhow ula shaqaynaysaa dhamaan dhinacyadda oo dhan (ee dalka jooga), Dowladda Federaalka, IGAD, iyo qaybaha kaleba si loo xoojiyo wada hadalka iyo dib-uheshiisiinta, Ayuu yiri ergaygga Gaarka ah.