Ergeyga Qaramada Midoobay oo Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay

21 Dec 2013

Ergeyga Qaramada Midoobay oo Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay

Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa Ra’iisal Wasaaraha cusub, Cabdiweli Sheekh Axmed, ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay maanta ka dib markii Baarlamaanka Federaalka dalka uu cod aqlabiyad buuxda ku ansaxiyay.

“Waxaan u hambalyeynayaa Ra’iisal Wasaaraha cusub”, ayuu yiri Md. Kay. “ Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed wuxuu xilka la wareegayaa iyadoo ay Soomaaliya galayso sannadka 2014, oo noqon doona sannad muhim u ah horumarka Soomaaliya oo gaarta nabad iyo barwaaqo. Xafiiska Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) waxau sii wadi doontaa taageerada ay siiso Dowladda Federaalka dadaalka ay ugu jirto nabadaynta iyo dhisidda hay’adaha dowladda”.

Md. Kay wuxuu amaanay sida Ra’iisal Wasaaraha xilka ka degay, Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, uu ugu heelanaa Dastuurka Ku Meelgaarka ah iyo sida sharafta leh ee uu xilka iyo mas’uuliyadda ugu wareejiyay ra’iisal wasaaraha cusub.

“Waxaan ogahay in Ra’iisal Wasaaare Cabdiweli Sheekh Axmed uu sameyn doono wadatashi ballaaran si uu u soo dhiso golihiisa wasaaradda cusub, iyo inuu soo dhisi doono xukuumad loo wada dhanyahay oo leh karti ay ku keento ku dhaqanka sharciga iyo kala dambeynta, maamul wanaag iyo adeegyada guud,” ayuu raaciyay.

Md. Kay wuxuu ku booriyay Baarlamaanka, Dowladda iyo Madaxtooyada inay sii wadaan wadashaqaynta dhaxalgalka ah ee dhowraya Dastuurka Federaalka Ku Meelgaarka ah. Wuxuu ammaanay kaalinta xilkasnimada leh ee uu Baarlamaanka Federaalku ka cayaaray marxaladdan muhimka ah ee taariikhda Soomaaliya.