Ergayga Qaramada Midoobay oo booqashadiisii u horeysay ee Gobolada ku tagay Kismaayo ayaa ku dhiirigaliyey in Soomaalidu dhibaatooyinka isla xaliyaan

29 Oct 2018

Ergayga Qaramada Midoobay oo booqashadiisii u horeysay ee Gobolada ku tagay Kismaayo ayaa ku dhiirigaliyey in Soomaalidu dhibaatooyinka isla xaliyaan

Kismayo - Safarkiisii ugu horeeyay ee loo qorsheeyay booqashada gobolada oo ku aadanaa khilaafka u dhexeeya xukuumadaha federaalka iyo dawlad goboleedyada, ayaa Ergayga cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya wuxuu ku booriyay Soomaalida in ay wada shaqeeyaan si ay u xaliyaan xalaladooda.  

Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Haysom, ayaa booqday caasimadda Jubaland ee Kismaayo, oo ka mid ah Dawlad Goboleedyada Federaalka kuna taal koofurta dalka, iyada oo uu safarka ku weheliyo Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AU) u qaabilsan Soomaaliya, Francisco Madeira.  

"Waan ogahay in Soomaaliya ayna aheyn Muqdisho, Muqdisho ma ahayn Soomaaliya - waxaa lagama maarmaan ah in aan booqdo gobollada si aan usoo arko shaqaalahayga, iyo in aan sidoo kale inaan arko sida dadku u nool yihiin deegaanada kala duwan ee Soomaaliya," ayuu yiri Haysom.  

"Waxaa imaanshahayga halkani kusoo beegmay xilli adag oo xidhiidhka ka dhaxeeya Dawladaha [Federaalka] iyo Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka, waxaana halkan ila jooga saaxibkeyga midowga Afrika, Ambassador Francisco Madeira, si aan ugu dhiirigelino dhammaan qaybaha kala duwan iyo dhinacyada siyaasada Soomaaliya in ay si wada jir ah u wada shaqeeyaan” ayuu ku daray war saxaafadeed uu si wadajir ah ula qabtay Mr. Madeira iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Wada Shaqeynta

"Waxaan ku qanacsanahay in Soomaaliya ay u baahan tahay in dadkeedu dhammaan wadajir u shaqeeyaan si ay u xaliyaan dhibaatooyinka” Mr. Haysom ayaa sidaas yidhi. "Deegaanka aan ka imid- waxaan ka imid koonfurta Afrika, waxaanu nidhaahnaa – ‘dhakhtarku dawo uma qaadan karo bukaanka dartii. Waxa aan sameyn karnaa waa in aynu bukaanka ku dhiirrigelino in ay qaataan dawadooda oo ay helaan xal, sidaa si lamida ayay tahay Soomaalidu in ay xal helaan. "

War saxaafadeedka hortii, mas'uuliyiinta Qaramada Midoobey iyo Midowga Africa waxay la kulmeen madaxweyne Axmed Madoobe, waxaanay ka dhagaysteen aragtidiisa ku wajahan xiisadihii dhawaan.

"Waxaan yeelanay kulan dheer oo aan kaga wada hadalnay arrimo door ah oo Soomaaliya khuseeya, tusaale ahaan, khilaafka ka dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka. Waxaan la wadaagnay aragtidayada ku aadan sida khilaafka loo xalin karo. Waxaan sidoo kale ku dhawaaqay in Soomaaliya ay u baahan tahay xalal wax ku ool ah iyo dhab oo loo helo dhibaatooyinka jira, "ayuu yiri Madoobe oo ka hadlay kulan saxaafadeed.

Waxa uu sidoo kale uu soo dhaweeyay Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, isaga oo xusay shaqooyinkii uu ka soo qabtay dalalka sida Afgaanistaan, Ciraaq iyo Suudaan.

"Waxay u tahay maalin wanaagsan dadka Jubaland in Ergayga cusub ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu maanta na soo booqday," ayuu yidhi Madoobe. "Wuxuu leeyahay aqoon ballaadhan oo ku saabsan colaadda iyo waddamada soo maray dagaallada sida Soomaaliya."

Ambassador Madeira ayaa saxaafada isaga oo la hadlaya hoosta ka xariiqay in ay muhiim tahay in si toos ah loo dhageysto dhinacyada uu dhexmaray xiisadii dhawaan dhacday.

"Waxaan rabaa inaan u mahadceliyo madaxweynaha Axmed Madoobe sababta oo ah wuxuu ahaa mid aad noogu furfuran; wuu nala hadlay waxaanu noo sheegay dareenkiisa, "ayuu yiri sarkaal ka Midowga Afrika. "Tani waxay naga caawin doontaa inaan aragno sida ugu wanaagsan ee aan taageeri karno Soomaaliya, dadkeeda iyo Dawladaha xubinta ka ah Federaalka."