Baydhabo, ergayga Qaramada Midoobey oo mar kale ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga iyo in loo baahan yahay in doorashada madaxweynaha ee Koorfur Galbeed noqoto mid madax-baan

31 Oct 2018

Baydhabo, ergayga Qaramada Midoobey oo mar kale ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga iyo in loo baahan yahay in doorashada madaxweynaha ee Koorfur Galbeed noqoto mid madax-baan

Muqdisho - Ergeyga cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ayaa maanta sii waday kulamadii isbarashada ahaa ee hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedada ayaa booqasho ku tagay Maanulka Koonfurta Galbeed, halkaas ka sheegay in loo baahan yahay in ay qabato doorashooyin “madax-banaan oo la aqbali karo” bisha soo socota isaga oo ku baaqay wadashaqayn si loo xalliyo khilaafka ka taagan wada shaqeynta xukuumada federaalka iyo tan dawlad goboleedyada.

Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Nicholas Haysom, ayaa waxa safarkiisa ku wehelinayay dhiggiisa Midowga Afrika (AU), Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika, Ambassador Francisco Madeira.

Wax yar ka dib markii ay gaadheen Baydhabo, labada Ergay ayaa la kulmay madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xiisadaha u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya (FGS) iyo Dawladaha xubinaha ka ah Dawladda Federaalka ayaa ahaa qodobka ugu muhiimsan ee lagaga wada hadlay kulanka.

"Waxaan ku dedaalaynaa sidii aan isugu keeni lahayn dhinacyada khilaafku ka dhaxeeyo, anaga oo rajaynayna in Soomaalidu ay wajahaan dhibaatooyinkooda iyaga oo isku duuban oo aanay usii kala fogaan" ayuu yidhi Mr. Haysom oo ka hadlay kulanka.

"Run ahaantii, waxaan sheegnayaa  in waxa aan wajaheyno ay yihiin xaalado siyaasadeed oo aad u culus - iska horimaadka u dhaxeeya Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka iyo Dowladda Federaalka waxaa uu curyaamin karaa dedaaladayada aan Soomaaliya kaga caawinayno in ay dib cagaheeda ugu istaagto,” ayuu ku raaciyey. "Waxan ka codsanaynaa dhammaan dhinacyada taladu ka go’do in ay isu yimaadaan si ay xal ugu helaan una sameeyaan isu tanaasul iyo heshiisyada lagama maarmaanka u ah wada-shaqeynta iyo iskaashiga, intii isqabqabsiga iyo khilaaf lagu jiri lahaa."

Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dhawaan loo doortay gudoomiyaha Golaha Iskaashiga Dawlad Goboleedyada (CiC) Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya. War-murtiyeed dhawaan ay soo saareen, Golaha CIC - marka laga reebo Hirshabelle - ayaa ku dhawaaqday in aanay wax iskaashi ah la sameyn doonin FGS.

"Waxa uu ahaa mid aad u furfuran oo si faahfaahsan noola wadaagay dareenkiisa ku aadan waxa dhacaya, falanqayntiisuna ay ahayd mid aad noogu muhiim ah si aan u fahano waxa dhacaya iyo si ay nooga caawiso in aan helno wadada ugu wanaagsan ee aan u caawin karno dadka Soomaliya " Amb. Madeira ayaa sidaa yidhi kulankooda ka dib.

Wakiilada Gaarka ah ee Qaramada Midoobey iyo Midowga Africa, ilaa hadda, waxay wada hadalo la yeesheen madaxweynayaasha Jubaland iyo HirShabelle.

Doorashada madaxweynaha Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed

Mowduucyada kale ee lagala hadlay Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan waxa ka mid ahaa horumarinta, amniga iyo arrimaha siyaasada - oo ay ku jirto doorashada madaxweynaha ee dhici doonta bishii November ee sanadkan.

"Aan Warkayaga halkan ka cadeeyo: Beesha caalamku ma wadato musharax [iyo] mana taageeri doonto musharax ku jira tartanka doorashada, laakiin waxaan rabnaa inaan aragno - waxaanan ka codsaday madaxweynaha inuu ii xaqiijiyo - in doorashooyinka ay u qabsoomi doonaan si wanaagsan si dhamaan dhinacyada ku tartamayaa ay u aqbalaan natiijada, waxaanu ii xaqiijiyey in ay tani noqon doonto qaabka ay u qabsoomi doonto,"Mr. Haysom ayaa sidaa yidhi shir jaraa'id oo si wadajir ah ula qabtay madaxweynaha iyo wakiilka Midowga Afrika.

"Waxaan rabnaa in doorashadani ay u qabsoonto si habsami ah, nabdoon, oo anaga, AMISOM ahaan, waxaan sameyneynaa dedaal badan, si aan u xaqiijino amaanka oo aan damaanad qaadno anaga oo wada shaqeyn fiican la sameyn doono dhinacyada iyo murashax kasta si looga wada shaqeeyo ka hor taga xaaladaha xaaladaha keeni kara rabshado iyo xasilooni daro” Amb. Madeira, oo sidoo kale ah hoggaamiyaha hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ayaa sidaa u sheegay warbaahinta.

"Waxaan rabnaa Soomaaliya nabad ah, Koonfur Galbeed [Maamul Goboleed] waa gobol muhiim ah oo ka mid ah hanaanka guud ee xasilinta dalka," ayuu raaciyay.

Kulankii Guddoomiyaha Barlamaanka iyo musharaxiinta madaxweynaha

Madaxda Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ayaa sidoo kale la kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Cabdulqaadir Shariif Shekhuna, kaas oo uga waramay halka ay u  marayso diyaargarowga doorashada madaxweynaha oo u qorshaysan in ay qabsoonto Sabtida, 17ka Noofambar.  

"Waxaad ka mahadcelin doontaan doorashooyinka dawlada Koonfur Galbeed waxaanay noqon doonaan doorashadan iyo kuwa ku soo socdaaba kuwo dhiga nidaam la raaco oo wanaagsan. Waxa kale oo cad in ay noqon doonaan doorashooyin la tartami doono, waliba si adag loogu tartami doono, waana sababta ay muhiim u tahay in dhamaan dhinacyada ku loolamay natiijada ay aqbalan," Mr. Haysom ayaa sidaa yidhi shir jaraa'id oo uu la qabtay Guddoomiyaha baarlamaanka iyo Amb. Madeira.    

"Waxaan ku faraxsanahay  oo aan uga mahad celinaynaa Gudoomiyaha baarlamaanka diyaargarowga iyo qorshaha faahfaahsan ee qaabka loo qaban doona doorashooyinka waxaanan rajaynaynaa Koonfur Galbeed [State] si wanaagsan ugu qabsoomi doonto doorashooyinku," ayuu yidhi, isagoo raaciyay muhiimada in doorashadu u qabsoonto "qaab lagu kalsoonaan karo oo la aqbali karo iyadoo la raacayo sharciyada loo dejiyey si natiijada loo aqbalo."  

Mr. Haysom iyo Amb. Madeira ayaa ereyadaa ku faaleeyey kulankoodii dambe ee todobada murashax ee u taagan doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed.