Ergayga QM ee Kay oo ka qaybgalay caleemo-saarka Madaxwaynaha Maamulka KMG ah ee Jubba

14 Sep 2015

Ergayga QM ee Kay oo ka qaybgalay caleemo-saarka Madaxwaynaha Maamulka KMG ah ee Jubba

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (SRSG) Nicholas Kay ayaa ammaan iyo bogaadin ka jeediyay caleemo saarkii Madaxweynaha Maamulka KMG ah ee Jubba, Sheekh Axmed Islaam “Madoobe”, isagoo ballanqaaday inay sii wadayaan taageerada QM ee geeddi-socodka maamul u sameynta Soomaaliya.

Xafladda ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, C/rashiid Cali Sharmaake, Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas, Madaxweynaha KMG ah ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Aadan, iyo sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed. Waxaa Sidoo kale madasha goob joog ka ahaa wakiillo ka socdey IGAD iyo wakiillo kale oo ka socday dowladaha Kenya iyo Itoobiya, iyo qaar kale.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo khudbad ka jeediyay xafladda ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha Maamulka KMG ah ee Jubba, wuxuuna ku baaqay in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay u midoobaan si dalku u gaaro kobaca iyo horumarka uu doonayo.

“Waxaan doonayaa inaan hambalyo ku iraadho Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam, adiga iyo Maamulka KMG ah ee Jubbaland, iyo shacabka Jubbaland. Shacabka Jubbaland waxay ku guulaysteen dhammaan tilaabooyinkii loo marayey geeddi-socodka dhismaha Maamul-goboleedka, marka waxaan leeyahay hambalyo dhammaantiin” ayuu yiri Madaxweynaha DFS.

Guddoomiyaha Maamulka Jubba, Axmed Maxamed Islaam, ayaa isna dhankiisa u mahad celiyay hay’adaha kala duwan ee jaalka la ihi taageerada ay la garab taagan yihiin maamulkiisa. Waxa uuna ku baaqay in la sii garab istaago geeddi-socodka maamul u sameynta, isagoo xusay in awoodda Maamul-goboleedyadu ay tiir u noqon doonto xasiloonida dalka oo dhan.

“Marar badan ayaan niri in haddii gobollada Jubbaland ay nabad noqdaan oo ay xasilloonaadaan si fudud lagu heli karo xalka dhibaatada Soomaaliya. Sababtuna waxay tahay gobolladan oo ay ku nool yihiin qaar badan oo ka mid ah qabaa'ilka Soomaaliya. Tani waxay ka dhigan tahay in haddii gobolladani ay xasilloonaadaan oo nabad noqdaan, ay markaa Soomaaliya dal ahaan nabad laga heli doono,” ayuu yiri Madaxweynaha Jubba.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, (SRSG) Nicholas Kay ayaa dhankiisa yiri, “Aad baan ugu faraxsan ahay inaan maanta ku soo laabto Kismaayo oo aan u goobjoogo caleema saarka Sheekh Axmed Islaam-Madoobe. Hambalyo. Waxaa la idiin igmaday Golaha Baarlamaanka Jubba si aad xil wayn iskaga saartaan oo aad hormuud ugu noqotaan dhismaha maamulkan. Tani waa guul muhiim ah oo laga gaaray geeddi-socodkii samaynta Maamulka gobolkan. Waxaan idiinkugu hambalyeynayaa doorashada, waxaanan ballanqaadayaa in Qaramada Midoobay ay si joogto ah usii wadi doonto wax ka qabashada caqabadaha baaxadda leh ee horyaalla maamulka’’.

Ergeyga Gaarka ah ee Kay ayaa ku dhiiri-galiyay Madaxweyne Madoobe iyo Baarlamaanka Jubba in ay soo celiyaan isku dheelitirnaanta qaab dhismeedka maamulka oo loo dhigayo si loo wada dhan yahay, isagoo sidoo kale soo dhoweeyay tillaabadii dhawaan lagu kordhinayey tirada kuraasida Baarlamaanka Jubba.

"Matelaadda iyo ka mid noqoshada Golahani waxay kobcin doontaa kalsoonida lagu qabo Maamulka," ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Kay.

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Tedros Adhanom, oo ku hadlayay magaca IGAD ayaa u hambalyeeyay maamulka cusub isagoo ku baaqay in la sii wado taageerada la siinayo.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan u mahadceliyo Xoghaynta IGAD, dhammaan saaxiibadayada caalamiga ah, haddii aan in yar ka xuso, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Nicholas Kay iyo Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub iyo safiirrada kale sida hagar la’aanta ah ee ay u garab istaageen safarkan sharafta leh,” ayuu yiri.

Madaxweynaha KMG ah ee Jubba, Axmed Maxamed Islaam, ayaa dib loo doortay 15-kii Agoosto 2015-kii.