Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xarigga laga jaray dayactir kaddib

11 Sep 2015

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xarigga laga jaray dayactir kaddib

Muqdisho – Xarunta Maxkamadda Banaadir oo dib u dayactir loogu sameeyay ayaa si rasmi ah xariga looga jaray, si loogu taageero cadaaladda iyo sare u qaadida sharciga dalka Soomaaliya.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta iyo Rule of Law and Security Institutions Group (ROLSIG) ee hoos tagta Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM), ayaa taageeray dayactirka dhismaha Maxkamadda Gobolka Banaadir oo qayb ka ah mashruuc tijaabo ah oo taageero ka helaya saaxiibbo caalami ah oo ay ku jiraan Midowga Yurub (EU) iyo Waaxda Horumarinta Caalamiga ah ee UK (DFID).

Mashruucan, ayaa xafiisyada iyo qolalka maxkamadaha ku qalabeeyay kuraasi, miisas, armaajooyin wax lagu xareeyo, iyo derbi xayndaab ah oo loo dhisay si loo hagaajiyo ammaanka howlwadeennada garsoorka. Mashruucu waa mid waafaqsan Himilada Nabadda iyo Dawladnimada (PSG) ee nambarka saddexaad ee Hiigsiga Soomaaliyeed ee dhisidda hay’ado madax-bannaan oo lala xisaabtami karo si ay cadaalad u helaan shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Amaanka Gudaha, C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa yiri: “Waxaan rabaa inaan iraahdo waad ku mahadsan tihiin taageerada aad nasiiseen Midowga Yurub, UNDP iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Caawinta Soomaaliya ROLSIG. Waxaan ka mahadcelineynaa taageerada aad siinayseen Dowladda Soomaaliya sannadihii la soo dhaafay; gaar ahaan garsoorka. Waxa kaliya ee aan dhihi karno waa inaan idiin mahadcelinno; Soomaali ahaan waxaa nala gudboon in aan dhismahan ilaashanno”.

Caydiid C/llaahi Ilkhanaf, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, ahna Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ayaa Qaramada Midoobay iyo Saaxiibada Caalamka ku bogaadiyay taageerada ay ka geysanayaan dib u dayactirka xarumaha Maxkamadaha, waxa uuna tilmaamay in gidaarka ku hareeraysani uu damaanad qaadi doono amniga Saraakiisha Garsoorka dalka inta ay ku guda jiraan shaqada.

“Aad ayaannu u qiimaynaynaa kaalmada la siiyo garsoorka. Waxay dib u habayn ku sameeyeen dhammaan dhismihii, dhismuhuna hadda wuu ka adag yahay sidii hore. Waxaan ognahay in lacagta inteedii badnayd la geliyey amniga iyo derbiga xayndaabka ah, taasna waan tixgelineynaa sababtoo ah waxay badbaadinaysaa nolosha,” ayuu hadalkiisa ku daray guddoomiyaha maxkamadda sare Ceydiid.

Michele Cervone d’Urso, Danjiraha Midowga Yurub (EU) ee Soomaaliya ayaa xusay in dib u dayactirka lagu sameeyay xarunta Maxkamadda Muqdisho iyo in maxkamado guurguura la geeyo dalka oo dhan ay fududeyn doonto in muwaadiniintu ay helaan cadaalad rasmi ah.

Danjire D’Urso ayaa yiri: “Waa maalin muhim ah, waxaana filayaa inay astaan u tahay in dhammaan bahda cadaaladdu ay cagahooda dib iskugu taagayaan Soomaaliya. Dib u dayactirkan lagu sameeyay dhismaha maxkamaddani waxay ka dhigan tahay caddayn la taaban karo oo ah in dib-u-dhis lagu samaynayo waaxda cadaaladda Soomaaliya. Haddii ay jirto hal shay oo ay dadka Soomaaliyeed u oomanayeen sannadahaa oo dhan waa in la helo caddaalad iyo isla xisaabtan, dhammaanteedna halkan ayay ka bilaabmaysaa, aad baana ugu xiise qabnaa arrintaas.”

Mitch Dufresne, Madaxa Garsoorka Wadajirka ah iyo Asluubta ee UNSOM ayaa isna yiri: "Dhisme oo kaliya maaha. Meeshu waa goobtii cadaaladda laga maamulayey. Dadku waxay dareemaan inay shaqada bedqab ku yimaadaan, dadku waxay dareemayaan in muwaadiniin ahaan ay soo galaan dhismaha iyagoo ammaan haysta. Qaramada Midoobay waxay sii wadi doontaa inay bixiso taageero farsamo, la-talin iyo agab ay siiso hay'adaha isku xiran ee caddaaladda - booliiska-cadaaladda-toosinta/xabsiyada. Nabadgelyada shaqaalaha iyo hay’adaha cadaaladda ayaa ah mid muhiimad gaar ah leh, maadaama ay fure u yihiin sarreynta sharciga, sharciguna waa aasaaska dhismaha bulsho amni, nabad iyo baraare nool ah”.