Ergey Keating oo hoggaamiyeyaasha haweenka kala hadlay matalaadda dumarka ee hawlaha doorashada 2016

Qaar ka mida hogaanka haweenka Soomaaliyeed  ayaa kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho taariikhda markay eheed 5ta bisha sagaalaad 2016 , Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaalia, Michael Keating, iyadoo kulankaasi looga hadlayay ka qaybgalka haweenka ee Siyaasada. UN Photo

5 Sep 2016

Ergey Keating oo hoggaamiyeyaasha haweenka kala hadlay matalaadda dumarka ee hawlaha doorashada 2016

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating, oo maanta la kulmay haween Soomaaliyeed oo ay hoggaamineyso Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqda Aadanaha, Zahra Cali Samatar, ayaa ballanqaaday in uu dadaal weyn u geli doono sidii dumarku kaalin mug leh ugu yeelan lahaayeen hannaanka doorashada 2016.

Haweenka ayaa walaac ka muujiyey in Madasha hoggaamiyeyaasha Qaranka (NLF), aysan weli meelmarin tillaabooyin cayiman oo lugu fulinayo ballanqaadkii qoondada haweenka ee ahaa in ay matalaad dhan 30% ku yeeshaan kuraasta baarlaanka soo socda.

“Waxaa na loo xilsaaray in aan sameyno guddi dib-u-eegis ku sameeya islamarkaana la tacaala ka maqnaanshaha dumarka ee saaxada siyaasadda, ka dib markii ay xaqiiqsadeen in laga reebay hannaanka siyaasadda. Waxaa muuqata in dadweynaha laga dhaadhiciyey in qoondada dumarka ee 30% ay tahay fikrad qalaad,” ayey tiri Zahra Samatar.

Wasiiraddu waxay carrabka ku adkeysay in dadaalka la xiriira in haweenku ay ay helaan matalaad siyaasadeed oo muuqata ay tahay mid ka timid bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda, iyadoo iska diiddey hadallada dadka ku andacoonaya in tabargelinta dumarku ay tahay mid ay wataan beesha caalamku.

Mr. Keating ayaa dhankiisa ku celceliyey in QM ay ka go’an tahay sidii haweenka gacan looga siin lahaa in ay saameyn ku yeeshaan siyaasadda, wuxuuna ballanqaaday in uu madaxda dalka kala hadli doono baahida loo qabo in haweenka laga qaybgeliyo hannaanka doorashooyinka.

Ergeyga QM ayaa haweenka Soomaaliyeed ku waaniyey in ay dulqaad muujiyaan marka ay xaquuqdooda dhacsanayaan, wuxuuna xasuusiyey in ay muuqadaan horumarro yididiilo leh oo lugu tiigsanayo ka qaybgal intaan ka badan oo dumarku ku yeeshaan siyaasadda.

“Joogitaanka ay nala joogaan hoggaamiyeyaasha haweenku ahmiyad gaar ah ayey noo leedahay. Hadda waxaan haysannaa 30 boqolkiiba Ergada Doorashada oo haween ah, waxaan kale oo aan si gaar ah isha ugu haynaa xaqiijinta in 50 boqolkiiba musharraxiinta Aqalka Sare ay haween noqdaan, islamarkaana lacagaha curaarta ah kala bar laga dhaafo haweenka xildhibaannimada u tartamaya,” ayuu yiri Mr. Keating, oo intaas ku daray in inkasta oo aysan ku filleyn, haddana horumarkaas aan la dhayalsan karin.

Batuula Sheekh Axmed Gaballe oo ah Ku Xigeenka Danjire Sharafeedyada  uu dhawaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud u magacaabay in ay u ololeeyaan dhaqangelinta qoondada haweenka, ayaa sheegtay in ka qaybgalka dumarku fure u tahay hirgelinta adeegyada bulshada.

“Dumarku carruur ayey koriyaan, Waa nahay adeegeyaal dadweyne. Waxaan uga qaybqaadannaa quudinta dalka si la mid ah sida aan ugu heellanahay gacan ka geysashada geeddi-socodka nabadda Soomaaliya. Ka so kow soo celinta nabadda Soomaaliya. Waxaan dooneynaa in aan wax ka qabanno daryeelka caafimaadka hooyada iyo dhallaanka u dhimanaya daawo la’aanta,” ayey hadalkeeda ku soo gunaanuddey Butaala Gaballe.