Qaramada Midoobey oo sheegtay in xorriyadda hadalku muhiim u tahay kala guurka siyaasadda Soomaaliya

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Michael Keating (dhexda) ayaa la hadlaya weriyayaasha  xili Qaramada Mioobay soo bandhigaysay warbixin ku saabsan xuquuqda madax banaanida fikirka ee lagu qabtay magaalada Muqdisho, Soomaaliya, 4tii bishii Sagaalaad ee 2016. Bidix waxaa fadhiya ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Raisedon Zenenga. Midigna waxaa ka xiga Kirsten Young, oo ah madaxa xuquuqul insaanka ee howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. UN Photo

4 Sep 2016

Qaramada Midoobey oo sheegtay in xorriyadda hadalku muhiim u tahay kala guurka siyaasadda Soomaaliya

Warbixin ay xorriyadda hadalka Soomaaliya ka soo saartay QM ayaa lugu soo dhaweeyey horumarka dalku indhawaalahan ka sameeyey ballaarinta nifaaska dadweynehu aragtidooda uga dhiibanayaan siyaasadda dalka.

Laakiin warxintu waxay sidoo kale walaac ka muujisay xannibaadaha xorriyadda hadalka ee weli socda, sida dilka, xarigga iyo hagardaameynta lugula kaco wariyeyaasha, dadka u ololeeya xaquuqda aadanaha iyo hoggaamiyeyaasha siyaasadda.

Warbixintan oo ah tii ugu horreysey abid ee QM ka diyaariso Soomaaliya, ayaa waxaa maanta oo Axadd ah magaalada Muqdisho ku daahfuray Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, waxayna daboolka ka qaadday diiwaanka xorriyadda hadalka ee muddo afar sano ah, oo ka  soo billaabatay 2012-kii.

“Waxaan u aragnay in la joogo wakhtiga ugu habboon in la muujiyo muhiimadda xorriyadda hadalku u leedahay mustaqbalka Soomaaliya, maadaama aan galeyno hawlihii doorashada todobaadyada soo socda,” ayuu tiri Keating oo ka hadlayey sababta ay u doorteen in ay warbxinta xilligan ku soo began, wuxuuna intaas ku daray in ‘xorriyadda hadalkuna waxay u fiican tahay  isla xisaabtanka, xasilloonida iyo ammaanka.”

Warbxintan 59-ka bog ka kooban oo ay wadajir u soo saareen Hawgalka Qaramada Midoobey ee Taakuleynta Soomaaliya (UNSOM) iyo Xafiiska Hay’adda QM u qaabilsan Xaquuqda Aadanaha, waxay xustay tillaabooyin dhowr ah oo gacan ka geystey hagaajinta hannaan sharciyeedka Xaquuqda Aadanaha, sida meelmarintii Xeerka Saxaafadda Qaranka ee la ansixiyey bishii Fabraayo ee sannadkan iyo sidoo kale Xeerka guddiga Xaquuqda Aadanaha ee soo baxay Agoosto 2016.

Laakiin warbxintu waxay dhanka kale dhaliishay waxa Mr. Keating ugu yeeray “Tillaabooyin laga xumaado oo lugu xaqirayo xorriyadda hadalka.” 

“Kooxda Ilaalinta Xaquuqda Aadanaha ee UNSOM waxay diiwaangeliyeen dilka Soddomeeyo wariye loogu geystey Soomaaliya intii u dhexeysey Agoosto 2012 illaa Juun 2016,” ayuu yiri Mr. Keating oo intaas ku daray: “UNSOM waxay kale oo diiwaangeliyeen 120 dhacdo oo isugu jira xarig aan loo meel dayin iyo handadaad ay ciidamada ammaanku kula kaceen wariyeyaal, hawlwadeenno iyo milkiileyaal ka tirsan warbaahinta dalka.”

Warbixintu waxay kale oo daboolka ka qaadday hagardaamooyin loo geystey hoggaamiyeyaasha siyaasadda, sida dilka ugu yaraan 18 mudane baarlamaan tan  iyo 2012, taas oo sii murjisey xorriyadda hadalka.

“Dowladda Federaalka ah waa in ay dib u eegtaa islamarkaana ay meesha ka saartaa sharuucda iyo dhaqamada loo arko in ay xaddidayaan ama khatar ku yihiin xorriyadda hadalka. Dowladda Federaalka ah waa in ay Xeerka Saxaafadda ee soo baxay 2016 ka dhigtaa mid la jaanqaadi kara heerar saxaafadda caalamiga ah iyo kuwa gobolka,” ayuu Ergeygu ku guubaabiyey.

Warbixintu waxay soo jeedisey talooyin dhowr ah oo wax ka taraya hagaajinta xaaladda xorriyadda hadalka ee Soomaaliya. Iyadoo Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qarana ee (NISA) si gaar ah ugu baaqday in ay ka hortagto jawrfalka ay askarteedu kula kacaan siyaasiyiinta, suxufiyiinta iyo dadka difaaca Xaquuqda Aadanaha.

Warbxintu waxay ku baaqday in laga laabto qayb ka mid ah Xeerka Saxaafadda Qaranka oo dambi ka dhigaya “tabinta wararka been abuurka ah”. Waxayna ku boorrisey Dowladda Federaalka ah in ay qaaddo tillaabooyin haweenka loogu xaqiijinayo xaqa ay u leeyihiin ka qaybgalka hawlaha doorashada sannadkan, iyo doorashada qof iyo codka ah ee lugu wado in ay dalka ka dhacdo sannadka 2020.

Warbixintu waxay Dowladda Federaalka ku adkeysay baahida loo qabo in si “Degdeg ah” loo dhiso Guddiga Madaxabannaan ee Xaquuqda Aadanaha Qaranka, kaas oo dhowraya, islamarkaana horumarinaya xaquuqda dadka Soomaaliyeed oo dhan.

Kirsten Young, oo ah madaxa Kooxda Ilaalinta Xaquuqda Aadanaha ee UNSOM, ayaa sheegay in warbixintu ay gun-dhig u noqon doonto la socoshada xaaladda xorriyadda hadalka ee mustaqbalka.

“Warbixintan waxaa loo adeegsan doonaa in lugu cabbiro horumarka Soomaaliya ku tillaabsatay sannadkan,”  ayuu yiri.

Soomaaliya waxaa sannadkan lugu qiimeeyey Dib-u-eegista Muddaalaha Caalamiga ah ee Golaha Xaquuqda Aadanaha QM, waxayna ballanqaadday fulinta qaar badan oo ka mid ah  talooyinka loo soo jeediyey.  Waxaana lugu wadaa in labo sano gudahood lagu qabto qiimeyn kale.