Ergeyga Gaarka ah ee cusub ee QM oo socdaal ku tagtay Koonfur Galbeed ayaa guudmartay xaaladda bani’aadannimo

13 Jun 2023

Ergeyga Gaarka ah ee cusub ee QM oo socdaal ku tagtay Koonfur Galbeed ayaa guudmartay xaaladda bani’aadannimo

Baydhabo – Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ah halkii ugu dambeysay ee ay socdaal ku tagto mas’uulka sare ee Qaramada Midoobay ee dhawaan loo soo magacaabay Soomaaliya, taasi oo maanta la kulantay hoggaanka dowlad goboleedka xubinta ka ah Dowladda Federaalka (FMS) iyadoo ujeedku ahaa is-dhaafsiga  dhinacyo badan oo ku qotoma wadashaqeyn iyo taageero.

“Waxaan soo yeelannay wadahadal aad u wanaagsan, oo ay qayb ka ahaayeen xubno muhiim ah oo ka tirsan golihiisa wasiirrada. Waxaan ku billownay innagoo ka hadlayna xaaladda bani’aadannimo ee halista ah ee ka jirta halkan, dowlad goboleedka Koonfur Galbeed – oo ah qayb wadanka ka mid ah, oo ahaan jirtay isha wax-soo-saar ee Soomaaliya, sida aan maqlo – balse hadda waa mid ka mid ah kuwa ugu nugul  iyadoo ay ugu wacan tahay abaarahan soo noqnoqday,” ayey tiri, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing.

Mas’uulka QM ayaa hadalkan ka jeedisay kulan ay si wadajir ah warbaahinta ugu qabteen madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed ‘Laftagareen,’ kaddib kulan ay mar sii horreysay la qaadatay isaga iyo xubno ka tirsan maamulkiisa.

Marwo Laing, ayaa hadalkeeda intaas ku dartay in iyada iyo madaxweynaha dowlad goboleedka Xubinta ka Dowladda Federaalka (FMS) ay sidoo kale si gaar ah diiradda u saareen hal arrin oo ka mid ah dhibaatooyinka bani'aadannimo ee ka jira dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, taas oo ah Dadka Gudaha ku Barakacay ee loo yaqaanno (IDPs) - iyadoo abaarta ka jirta Soomaaliya ay saameyn ku yeelanayso nolol-maalmeedka, qaar badan oo ka mid ah Dadka Gudaha ku Barakacay ayaa hadda gargaar iyo fursado cusub ka raadinaya xarumaha ku yaalla magaalooyinka sida Baydhabo.

Sida laga soo xigtay warbixintii ugu dambeysay ee abaarta ee ka soo baxday xafiiska QM ee Isku-duwidda Hawlaha Kaalmada Bani’aadannimo (OCHA), ee  ku saabsan illaa bishii Maajo 2023, qaybo ka mid ah Soomaaliya waxaa ka da’ay waxoogaa roob aan badnayn , oo heer dhexe ah, balse xajmiga ayaan ku filneyn in uu hoos u dhigo xaaladaha abaareed ee hadda jira. Si kastaba ha ahaatee, iyada oo aysan jirin saadaasha roob xoog leh oo da’a,  xilli-roobaadka gu’gana uu baaqanayo, xaaladda degdegga ah ee abaaruhu waxay u badan tahay inay ka sii dari doonto.

Warbixinta hay’adda Gargaarka Bani’aadannimo ee Qaramada Midoobay ayaa intaas ku dartay in maadaama  bishii Maajo, ay 6.1 milyan oo qof ay saameeyeen xaaladda degdegga ah ee abaarta. Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, in ka badan hal milyan oo qof ayaa ah Dadka Gudaha Ku Barakacay.

Kulanka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ay la yeelatay Madaxweynaha, waxa ay sidoo kale uga hadleen sidii loo horumarin lahaa adkeysiga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee la xiriira dhibaatooyinka Isbedelka Cimilada ee Soomaaliya. Dalka ku yaalla Geeska Afrika (Soomaaliya) ayaa safka hore uga jira wadamada uu saameeyay isbeddelka cimilada, waxaana marba marka ka dambaysa la kulmayaa dhibaatooyinka cimilada, oo saamayn ku yeelanaya dedaallada Soomaalida ee dawlad – iyo nabad-dhiska.

"Waxaan ka hadalnay… muhiimadda ay leedahay in loo diyaar garoobo xal muddo fog oo loo helo barakacayaashaas hadda ku nool magaalooyinka," ayay xustay Marwo Laing. "Waxaan sidoo kale ka hadalnay muhiimadda ay leedahay in lala tacaalo curiyeyaasha isbeddelka cimilada iyo dhisidda adkeysi iyo sal dhaqaale oo xooggan mustaqbalka."

Marka laga tago hawsha culus ee arrimaha bani’aadannimada, qodobbadii kale ee kulanka lagu soo qaaday waxaa ka mid ahaa xaaladda amni ee Dowlad Goboleedyada Xubinta ka ah Dowladda Federaalka, gaar ahaan dadaalladeeda ka dhanka ah kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

“Waxaan ku ammaanay madaxweynaha, shaqada xaqiiqdii wanaagsan ee inay dib u soo celiyeen dhulkii ay haysteen Al-Shabaab, waxaana muhiim noo ah in aan baritaarno dadaalada aadka u wanaagsan ee ay dowladdu ugu jirto xasilinta deegaannada lagala wareegay Al-shabaab, dib u abuuridda kalsoonida bulshada iyadoo la gaarsiinayo adeegyada aasaasiga ah, shaqaalaha caafimaadka, waxbarashada iyo wixii la mid ah,” ayey tiri, Marwo Laing. "Iyo dabcan, sugidda amniga iyada oo loo marayo booliska iyo ciidamada militariga maxalliga ah."

Booqashada Ergeyga Gaarka ah ee QM ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa daba socday  socdaallo ay horay ugu tagtay dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka ee Hirshabeelle iyo Puntland.

Marwo Laing ayaa xilka loo magacaabay bishii Maajo ee sanadkan, waxayna Soomaaliya timid horraantii todobaadkan. Wax yar uun ka dib markii ay soo gaartay Muqdisho, waxay la kulantay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre. Ka sokow in in ay xilal kala duwan ka soo qabatay dowladda Boqortooyada Ingiriiska, Marwo Laing waxa ay sidoo kale ka soo shaqeysay waaxda horumarinta ee Qaramada Midoobay intii u dhaxeysay 1993 ilaa 1994.