Hadallada Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing, ay warbaahinta u jeedisay intii ay ku jirtay socdaalkeeda magaalada Baydhabo, Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed

13 Jun 2023

Hadallada Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing, ay warbaahinta u jeedisay intii ay ku jirtay socdaalkeeda magaalada Baydhabo, Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed

Sidii loo jeediyay

Mudane Madaxweyne, aad baad u mahadsantahay. Aan ku billaabo mahadcelin aan kaaga hayo adiga iyo maamulkaaga sida aad iigu soo dhoweyseen Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Baydhabo. Tani waa booqashadaydii labaad; Waxaan halkan googay sannadkii 1993-kii markii uu jiray Hawlgalkii ugu horreeyay ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Markaa farxad weyn bay ii tahay inaan soo laabto.

Waxaan hadda Soomaaliya imid toddobaad ka hor, markaa dabcan, kulankii ugu horeeyay ee rasmi ahna waxaan la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaan isku dayayaa inaan booqashooyin degdeg ah ku aado dhammaan Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka sababtoo ah waxau ila tahay inay aad muhiim u tahay in la sameeyo xiriir aad u adag goor hore iyo inaan u kuurgalo oo aan arko xaaladda jirta. Markaa farxad weyn bay ii tahay inaan halkan Baydhabo joogo. Waa booqasho aad u gaaban, laakiin waxay noqon doontaa mid ka mid ah kuwo badan oo iman doona mustaqbalka inta aan sii adkeynayno oo aan sii wadno xoojinta xiriirkeena qotada dheer.

Sida uu Madaxweynuhu yiri, waxaan filayaa inuu yiri, wadahadal aad u wanagsan ayaa na dhex maray, oo ay ku jiraan xubno muhiim ah oo ka tirsan Golihiisa Wasiirada. Waxaan ku billownay in aan ka hadalno xaaladda bini’aadantinimo ee halista ah ee ka jirta halkan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, oo ah qeyb ka mid ah dalka oo ahaan jirtay xudunta wax soo saarka Soomaaliya, sida aan maqlo, balse hadda waa mid ka mid ah kuwa ugu nugul abaarahan soo noqnoqday.

Waxaan ka hadalnay wax ka qabashada dhibaatada bini'aadantinimo ee aadka u weyn ee dadka barakacayaasha, iyadoo dad badan ay hadda reer magaal ku noqdeen, oo soo galeen magaalada Baydhabo iyo xarumaha kale ee magaalooyinka ah iyo muhiimadda ay leedahay in loo diyaar garoobo sidii xal waara loogu heli lahaa barakacayaashaas hadda ku nool magaalooyinka. Waxaan sidoo kale ka hadalnay muhiimadda ay leedahay in lala tacaalo sababaha ka dambeeya isbeddelka cimilada iyo xoojinta adkeysiga iyo saldhig dhaqaale oo xooggan ee mustaqbalka.

Markaan u gudubnay dhanka amniga oo ah caqabadda taagan ee Al-Shabaab, balse waxaan madaxweynaha ku bogaadiyay shaqada aadka u wanaagsan ee deegaannada dib looga soo qabsaday Al-Shabaab iyo muhiimadda ay leedahay in aan ka danbeyno dadaalka wanaagsan ee ay dowladdu ugu jirto xasilinta deegaannadaas laga la soo wareegay Al-Shabaab, dib u dhisidda kalsoonida bulshada iyadoo la bixinayo adeegyada aasaasiga ah, shaqaalaha caafimaadka, waxbarashada iyo wixii la mid ah. Iyo dabcan, xoojinta amniga iyadoo loo marayo booliska iyo ciidamada milatariga deegaanka.

Kuwani waxay ahaayeen mawduucyada ugu muhiimsan ee wadahadalkeena. Sida aan sheegay, waa safarkii ugu horreeyay ee booqashooyin badan, waxaana ku faraxsanahay inaan halkan joogo waxaana rajaynayaa in booqashadayda xigta ay noqoto mid dheer, oo aan rajeynayo inaan ku socdaalo degaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Mahadsanid mar labaad, Mudane Madaxweyne.