Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa Soomaaliya ugu hambalyeynaya sanadguurada 62-aad ee madaxbannaanida

1 Jul 2022

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa Soomaaliya ugu hambalyeynaya sanadguurada 62-aad ee madaxbannaanida

Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa shacabka iyo dowladda Soomaaliya ugu hambalyeynaya sannadguurada 62-aad ee ka soo wareegatay madaxbannaanida dalkooda.

Wuxuu ku celinayaa sida Qaramada Midoobay uga go’an tahay sii wadista taageerada ay u fidiso Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, iyo shacabka Soomaaliyeed  dadaalka ay ugu jiraan sidii ay u dhisi lahaayeen ​​mustaqbalka dalkooda oo sidan ka nabad iyo barwaaqo badan.