Magaalada Muqdisho, QM oo dhiiragelin siineysa dad ka badbaaday Tacaddiyada Jinsiga ee xilliyada colaadaha

21 Jun 2022

Magaalada Muqdisho, QM oo dhiiragelin siineysa dad ka badbaaday Tacaddiyada Jinsiga ee xilliyada colaadaha

Muqdisho – In ka badan labaatameeyo qof oo Soomaali ah oo ka badbaaday tacaddiyada jinsiga ee xilliga colaadaha ayaa maanta ka qalin jabiyay barnaamij ay Qaramada Midoobay taageerto oo u jeedkiisu yahay in kor loogu qaado fursadaha ay ku gaari karaan isku-filnaansho dhaqaale.

Tababarkan oo socday muddo saddex bilood ah ayaa waxaa lagu barey xirfado kala duwan sida tolida iyo buufinta dharka, iyadoo sidoo kale lagu bixiyey agabka ganacsiga lagu bilaabo oo ka kooban dhar iyo midabbo si loo abuuro ganacsi dakhli soo saara.

Tababarka ayaa sidoo kale ujeedadiisu ahayd in wax laga beddelo nolosha dadka tacadiyada ka badbaadey iyadoo lagu caawinayo inay bilaabaan ganacsiyo yaryar iyo, in nidaamkan ku illoobaan ceebta ay dareemayaa, go'doominta iyo cabsida takoorka ee inta badan ku dhacda qaar badan oo ka mid ah kuwa la kulmay tacadiga kufsiga.

Xafladda qalin-jebinta ayaa qeyb ka ahayd munaasabad lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee ciribtirka xadgudubyada kufsiga ee xilliga colaadaha, taasoo caalamka laga xuso 19-ka Juun ee sanad walba.

Dowladda iyo Bulshada Rayidka

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay wakiilo ka kala socday ururada haweenka iyo dhalinyarada, bulshada rayidka ah iyo dowladda, iyo odayaasha beelaha.

Agaasimaha Waaxda Jinsiga ee Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Sacdiya Maxamed Nuur ayaa sheegtay in tacadiyada jinsiga ee lagula kaco haweenka ay dowladdu u aragto dhibaato aad u weyn iyadoo sheegtay inay bulshada rayidka kala shaqeyn doonaan sidii loo cirib tiri lahaa.

“Dowladdu waxay soo dhaweynaysaa taageero kasto oo loo fidinaayo haweenka gaar ahaan kuwa ka badbaadey tacadiyada jinsiga ku saleysan iyo tacadiga kufsiga,” ayay tiri Agaasime Sacdiya.

Bishii Feberaayo ee sanadkan, Dowladda Federaalka waxay qaadatay qorshe hawleed qaran oo ku saabsan haweenka, nabadda iyo amniga, kaas oo looga golleeyahay in kor loogu qaado ka-qaybgalka macnaha leh ee haweenka ee geeddi-socodka nabadda iyo in wax laga qabto xadgudubyada galmada ee la xiriira colaadaha. Qaar ka mid ah ka soo qaybgalayaasha ayaa ku baaqay in la qaado tillaabooyin dheeraad ah oo lagu horumarinayo xuquuqda haweenka laguna dhiirigeliyo ixtiraamka ilaalintooda.

Waxay sidoo kale carabka ku adkeeyeen in ansixinta Xeerka Tacadiyada Galmada ay wax ka qaban doonto dambiyada galmada, oo ay ku jiraan xadgudubyada galmada ee xilliga colaadaha iyo in uu meesha ka saaro isla xisaabtan la'aanta. Xeerkii 2018-kii ayaa hadda markale horyaala Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana la rajeynayaa in la horgeeyo kalfadhiga soo socda si ay dib u eegis iyo falcelin uga sameeyaan.

“Waxaan rabnaa in la dhowro xuquuqda haweenka. Waxa aan rabnaa inaan aragno tallaabo laga qaadayo kuwa ku xad-gudba xuquuqda haweenka. Waxaan rabnaa in baarlamaanka uu meel mariyo sharciga dembiyada la xiriira jinsiga. Tani waxay xaqiijin doontaa caddaaladda kuwa ka badbaada xadgudubka kufsiga,” ayay tiri Ifraax Axmed, oo u dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka.

"Hirgelinta sharciga tacadiga galmada waxay caddaaladda u heli doontaa kuwa ka badbaaday xadgudubyada galmada," ayay raacisay Ifraax Axmed, oo sidoo kale aasaasay hay'adda lfrah, oo ah hay'ad aan dowli ahayn (NGO) oo u ololeysa ka hortagga gudniinka fircooniga.

Mashruucan tababarka oo socday muddo saddex bilood ah oo ay taageertay Qaramada Midoobay, ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay hay’ad lagu magacaabo Stand Speak Rise Up, oo ah hay’ad gaar loo leeyahay oo difaacda dadka ka badbaaday xadgudubyada galmada, iyo Ururka daryeelka haweenka iyo dhallaanka Soomaaliyeed, oo ah urur bulsho oo si gaar ah ula tacaasha dadka ka badbaada tacadiyada ku saleysan jinsiga iyo gabdhaha dhashay xilliga colaadaha.

Taageerada Qaramada Midoobey

Soomaaliya, taageerada hay'adda adduunka ee dhibanayaasha xadgudubka galmada ee xilliga colaadaha waxaa ka mid ah xarumo gaar ah oo dhaqan celin ah oo lagu taageero looguna talagalay haweenka horay loola xiriirin jiray Al-Shabaab. Xarumahan, ka sokow la-talin iyo wacyigelin nafsad ahaanee ee la xiriira arrimaha bulshada, haweenku waxay ku qaataan tababaro xirfadeed sida tababar saddex bilood ah oo 30 haween ay ka qalin jabiyeen bishii Juun.

Intaa waxaa dheer, Qaramada Midoobay iyada oo u marayso Sanduuqa Dhismaha Nabadda ayaa sidoo kale bilaabay barnaamijka Wadajirka ah ee Haweenka, Nabadda iyo Ilaalinta "Mashruuca Nabadda iyo u Hiillinta Haweenka," kaas oo qaatay habab uu ka mid yahay hannaanka baahsan, iyada oo laga hirgelinayo nidaamka digniin bixinta hore iyo ururada haweenka maxalliga ah 17 degmo oo Soomaaliya ka tirsan si ay u ogaadaan colaadaha iyo xadgudubyada galmada iyo ka hortagga deg degga ah.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa qoraal uu soo saaray oo loogu talagalay Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Xadgudubyada Galmada ee xilliga Colaadaha ku iftiimiyay Muhiimadda ay leedahay awood-siinta kuwa ka badbaaday xadgudubyada. "Waa taageero dhaqaale oo ay dhibanayaasha badbaaday awoodi doonaan in ay naftooda iyo qoysaskooda ku noolaadaan, ayna tirtiraan ceebaha kasoo raacey rabshadahan," ayuu yiri.

Sanadkii 2015, Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqay in 19-ka Juun ee sanad walba ay ku asteysantahay maalinta caalamiga ah ee ciribtirka xadgudubyada galmada ee ka dhasha colaadaha si kor loogu qaado wacyiga muhiimadda ay leedahay in la joojiyo xadgudubyada galmada ee la xiriira iskahorimaadka, si loo sharfo dhibanayaasha iyo kuwa ka badbaaday xadgudubyada galmada ee adduunka oo dhan iyo in la abaalmariyo dhammaan kuwa sida geesinimada leh naftooda ugu huray oo ku waayay naftooda kuwaas oo u istaagay ciribtirka dembiyadaas.

Taariikhdan ayaa loo doortay in lagu xuso ansaxinta 19kii Juun 2008 ee Qaraarkii Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ee tirsigiisu ahaa 1820, kaas oo goluhu ku cambaareeyay xadgudubyada galmada ee ah xeelad dagaal taas oo caqabad ku ah dhismaha nabadda.