Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo cambaareeyay weerar loo adeegsaday qarax gaari oo xalay ka dhacay Muqdisho

13 Oct 2014

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo cambaareeyay weerar loo adeegsaday qarax gaari oo xalay ka dhacay Muqdisho

Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (SRSG), Nicholas Kay ayaa cambaareeyay weerarki loo adeegsaday qarax gaari oo xalay ka dhacay Muqdisho kaas oo keenay dhimashada iyo dhaawaca dad fara badan. Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu xaqiijiyay in ugu yaraan toban iyo sadex qofood lagu dilay halkaas.


“Waxaan cambaareynayaa weerarki argagixiso ee naxdinta lahaa ee xalay, kaas oo lagu beegsaday dad rayid ah oo aan waxba galabsan, weerarkaas oo ay ka dhalatay qasaaro baaxad weyn. Xeeladaha aan kalasooca lahayn ee lala beegsanaayo dadka Soomaaliyeed waa fal naxariis darro ah waana dembi mudan in la cambaareeyo. Shaqaalaha ka shaqeeya amniga iyo caafimaadka waxaan ku amaanayaa gurmadka degdega ah ee ay fidiyeen. Dembiilayaasha waa si degdeg ah cadaaladda lagu hor keeno” ayuu yiri SRSG Kay.

“Waxaan sii xoojineynaa taagerada aan ku taageereyno dadka Soomaaliyeed sida ay uga shaqeynaayaan xaqiijinta rajadooda ku aadan mustaqbal xasilooni iyo nabad ay ku dheehantahay.” ayuu raaciyay.

SRSG Kay wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska iyo saaxiibada dhamaan dadkii dhibku kasoo gaaray weerarkii xalay.