Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya oo cambaareeyay weerarada Qaraxyada ah ee ka dhacay Muqdisho

16 Oct 2014

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya oo cambaareeyay weerarada Qaraxyada ah ee ka dhacay Muqdisho

Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya (SRSG), Nicholas Kay ayaa cambaareeyay weerarkii Bambaano ee xalay kadhacay banaanka maqaayad caan ah oo ku taal Muqdisho taasoo sababtay dhimashada iyo dhaawaca dad badan.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarkii fulaynimada iyo argagaxisnimada lahaa ee xalay. Waxaan ka naxay sida aan gabi ahaanba loogu turin nafta dadka Soomaaliyeed ee caadiga ah, oo ay ku jiraan caruur iyo dad jidka marayay. Dambiyada noocaan oo kale ah waxay xadgudub ku yihiin mabaadiida as-aasiga ah ee bini-aadanimada. Waa in si degdeg ah cadaalada lagu horkeeno kuwii ka dambeeyay falkaas.” Ayuu yiri SRSG Kay.

“Qaramada Midoobay waxay sii xoojineysaa taagerada aan ku taageereyno dadka Soomaaliyeed sida ay uga shaqeynaayaan xaqiijinta rajadooda ku aadan mustaqbal xasilooni iyo nabad ay ku dheehantahay.” ayuu raaciyay.

SRSG Kay wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska iyo saaxiibada dhamaan dadkii dhibku kasoo gaaray weerarkii xalay.


Dhamaaad.