Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya oo soo dhoweeyay caleema saarki Madaxweynaha Maamulka Kumeelgaarka ee Jubba

13 Sep 2015

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya oo soo dhoweeyay caleema saarki Madaxweynaha Maamulka Kumeelgaarka ee Jubba

Kismaayo – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabislan Soomaaliya, Nikolas Kay, ayaa soo dhoweeyay caleema saarki Sheekh Axmed Maxamed Islaam “Madoobe”, oo ah Madaxweynaha Maamulka Kumeelgaarka ah ee Jubba (IJA).

Asaga oo ka hadlaayo xafladii caleema saarka ee ka dhacday Kismaayo, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabislan Soomaaliya, Kay wuxuu yiri “Madaxweyne Madoobe waxaan kuugu hambalyeynayaa doorashadi lagu doortay, waxaana ballan qaadayaa in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto taageeradeeda ku aaddan wax ka qabashada caqabadaha baaxadda weyn ee haysta Maamulka Jubba si uu u noqdo mid ay ku faanaan dhallinta mustaqbalka.”

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabislan Soomaaliya, Kay ayaa sidoo kale u hambalyeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed iyo dhamaan dadka reer Jubba kuwaas oo suurta geliyay in arrintan ay maanta qabsoonto kuna suurto geliyay tanaasul ay isu sameeyeen iyo aqoonsi ay aqoonsadeen maslaxadda qaran. Dadka Soomaaliyeed oo ay arrintu khuseeyso ka sokoow, Ergeyga Gaarka ah wuxuu soo dhoweeyay dowrka AMISOM iyo IGAD ay ka qaateen hirgelinta Heshiiskii Addis Ababa lagu gaaray 27kii Agosto 2013 iyo geedi socodka nabadda iyo maamul dhisidda Soomaaliya.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabislan Soomaaliya, Kay ayaa ku guubaabiyay Madaxweyne Madoobe iyo Baarlamaan Goboleedka Jubba inay soo celiyaan isu dheelli-tirnaanta xubnaha Baarlamaanka una soo celiyaan si loo wada dhanyahay, sidoo kalena wuxuu soo dhoweeyay tallaabadi dhowaan la qaaday ee lagu kordhinaayay kuraasta Baarlamaanka Jubba.

“Sida Baarlamaanka ay dadka uga dhexmuuqdaan iyo u dhamaanshaha loo dhanyahay ayaa horumarin doonta kalsoonida lgu qabi doono maamulka” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah.

Asagoo la hadlaayo madaxda qaranka ee joogtay xafladda caleema saaarka, ayaa Ergeyga Gaarka ah Kay wuxuu xoogga saaray muhiimadda ay leedahay in la billaabo shirki wdatashiga kaas oo lagu abuuraayo geedisocod doorasho oo ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed sanadka 2016. Wuxuu ugu baaqay dhamaan dadka Soomaaliyeed ee arrintu khuseeyso inay si buuxda ugasoo qaybgalaan Madasha.

Qaramada Midoobay waxaa ka go’an inay taageerto geedi-socodka nabadda iyo maamul dhisidda Soomaaliya.

Dhamaad