Hadalka Ergeyga Gaarka ah ee QM u Qaabilsan Soomaaliya ee ku aaddan munaasabadda Ciidul Adxaa

24 Sep 2015

Hadalka Ergeyga Gaarka ah ee QM u Qaabilsan Soomaaliya ee ku aaddan munaasabadda Ciidul Adxaa

Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, (SRSG) Nicholas Kay, ayaa salaan kal iyo laab ah oo ku aaddan munaasabadda Ciiddul Adxaa u diray dhamaan dadka Soomaaliyeed oo u dabbaal degaya (munaasabadda) Ciidul Adxaa kuna beegan gudashada hawlihii ugu muhimsanaa ee Xajka, booqashada barakaysan ee lagu tago Makka.

“Ciid Wanaagsan ayaan u rajaynayaa dhamaan dadka Soomaaliyeed iyo qoysaskoodaba oo u dabbaal degaya Ciiddul Adxaa . Maanta waa maalin dib loo milicsado (wixii tagay), laysku gargaaro, lana xusuusto dadka danta yar ee aan haysanin inta aan annagu haysanno. Waxaan rajaynayaa in dareenkan ku dhisan isu-naxariisashada iyo wadajirka uu gacan ka gaysan karo nabad wada gaarta Soomaaliya dhamaanteed. Ciid Wanaagsan!” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay.