Ergeyga Gaarka ah ee Qaramadda Midoobay oo cambaareeyay weerar lagu qaaday gaari ay leedahay Qaramada Midoobay oo kusugnaa Garoowe

20 Apr 2015

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramadda Midoobay oo cambaareeyay weerar lagu qaaday gaari ay leedahay Qaramada Midoobay oo kusugnaa Garoowe

Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa si adag u cambaareeyey weerarkii lagu qaaday baabuur ay Qaramada Midoobay leedahay oo ka dhacay maanta Garoowe, kaasoo sababay dhimashada iyo dhaawaca dhowr qof. “Aad baan uga naxay, ugana argagaxay waxa maanta ka dhacay Garoowe. Tixgelin la’aanta buuxda ee lagu hayo nolosha dadka ka shaqeeya arrimaha bini’aadantinimada iyo horumarka ee dadka Soomaaliyeed waa wax la quudhsado.”

Saaka abaare 8:00 subaxnimo ayaa qof is-miidhaamiyay beegsaday gaari UN-ka leeyahay oo marayey magaalada Garoowe ee maamulka Puntland. Waxaa jira khasaare nafeed oo aan weli la hubin intuu yahay. Hawlgallada gurmadka degdegga ah ayaa weli socda.

“Shaqaalaha Qaramada Midoobay waa ay ka murugoodeen laakiin waa ay ka midaysan yihiin dhibaatadan. Qaramada Midoobay waxaa ka go’an inay garab istaagto shacabka Soomaaliyeed. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaan asxaabta iyo qoysaska dhammaan dadkii naftooda waayey, iyo kuwa dhaawacmay iyo kuwa ay saameeyeen," ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Kay.

Faahfaahinta dheeraad ah ayaa lasoo gudbin doona, isla marki lahelo.

 

Dhammaad