Faah-faahin Dheeraad ah: Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya oo cambaareeyay weerarkii argagaxiso ee lagu qaaday QM ee Garoowe

20 Apr 2015

Faah-faahin Dheeraad ah: Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya oo cambaareeyay weerarkii argagaxiso ee lagu qaaday QM ee Garoowe

Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaalia, Nicholas Kay, ayaa caddeeyay sida uu uga carooday weerarkii argagaxiso ee maanta ee keenay dhimashada afar ka mid ah shaqaalaha UNICEF iyo labo waardiye. Dhowr kalena waa lagu dhaawacay.

“Waxaan ka naxay oo ifajiciyay wixii maanta Garoowe ka dhacay. Sida aan loogu aabayeelin nolosha dadka ka shaqeeya gargaarka baniaadanimo iyo baahida horumarineed ee dadka Soomaaliyeed waa wax aad u foolxun oo laga xumaado,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay.

Abbaarihii 8:00-dii subaxnimo ee maanta, ayaa waxaa dhacay qarax lala beegsaday gaari ay leedahay QM, magaalada Garoowe, Puntland, Soomaaliya. Waxaa la tuhunsanyahay in qof ismiidaamiyay loo adeegsaday qaraxa. Al-Shabaab baa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

“Kani waa fal argagaxiso oo qaawan iyo iskuday naflacaari ah oo loola danleeyahay in lagyu mijxaabiyo horumarka ay Soomaaliya u qaadayso nabadda iyo xasilloonida,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay.

“Waxaan ammaan u soo jeedinayaa gurmadka degdegga ah ee ciidamada amniga Puntland iyo shaqaalaha caafimaadka iyo dhammaan shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Garoowe,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay. “Waxaan jeceIahay inaan dowladda iyo dadka reer Puntland ugu mahadceliyo taageerada iyo welwelka ay nala qaybsadeen.

Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay wuxuu tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska iyo saaxiibada dadkii lagu dilay falkan waxashnimada leh, kuwa dhaawacana waxaan u rajeynayaa caafimaad degdeg ah.

Wuxuu caddeeyay inuu shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ugu mahadcelinayo sida ay mar kasta ugu heelanyihiin hawshooda iyagoo ku shaqeynaya duruufo adag.

Dhamaad.