Ergeyga Gaarka ah ee QM oo cambaareeyay weerarkii lagu qaaday baaruurtii kolonyoda ahayd ee wadday saraakiil ka socotay Imaaraadka

24 Jun 2015

Ergeyga Gaarka ah ee QM oo cambaareeyay weerarkii lagu qaaday baaruurtii kolonyoda ahayd ee wadday saraakiil ka socotay Imaaraadka

Muqdisho – Ergayga-gaarka ah ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa si kulul u cambaareeyay weerakii maanta lagu qaaday baabuurtii kolonyada ahayad ee wadday saraakiil ka socotay Imaaraadka Carabta, kaas oo sababay in ay dhintaan tira dad ah. Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaasi.