EG ee QM oo boogaadiyay dhamaystirka Baarlamaan Goboleedka Galmudug

28 Jun 2015

EG ee QM oo boogaadiyay dhamaystirka Baarlamaan Goboleedka Galmudug

Muqdisho – Ergayga Gaarka ah ee Xoghayahay Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaalia Nokolas Kay, ayaa soo dhoweeyay doorashada Afhayeenka Baarlamaan Goboleedka Galmudug, kaas oo 27 Juun ay doorteen Xubnaha Baarlamaanka ee jooga magaalada Cadaado, Ergayga waxa uu hambalyeeyay Afhayeenka cusub ee la doortay, Cali Ga’al Casayr. (Sidookalena), Ergayga wuxuu muujiyay sida uu raali ooga yahay dhamaystirka marxaladaan muhiimka ah ee khusaysa dhismaha Dowlad Goboleedka Goboladda Dhexe.