Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya oo cambaareeyay weerarki lagu qaaday Maqaayadda Muqdisho

22 Jan 2016

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya oo cambaareeyay weerarki lagu qaaday Maqaayadda Muqdisho

 

WAR-SAXAAFADEED 02/2016

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarki xalay ka dhacay maqaayad caan ah oo ku taal Muqdisho, weerarkaas oo lala beegsaday dad rayid ah oo Soomaaliyeed, ayna kamid ahaayeen dad dhiganayay xaflad aroos ah iyo dad u dabaal degayay xaflad qalin-jebin. Afhayeen u hadlay kooxda al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka waxashnimada ah ee lagu dilay ugu yaraan 20 qof. Dadka dhimashadooda la xaqiijiyay waxaa kamid ahaa hooyo uur leh iyo ilmo yar. 

“Xasuuqan ugu dambeeyay ee ay geysteen al-Shabaab waa mid si ula kac ah loogu dan lahaa in lagu cabsi geliyo dadka rayidka ah ee Soomaaliyeed. Falalka foosha xun ee noocan oo kale ah ma wiiqayaan dadaalada Soomaaliya loogusoo celinayo nabadda iyo xasiloonida,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating. “Anigoo ku hadlaya magaca dhamaan bahda Qaramada Midoobay, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska dadki ay jeclaayeen ku waayay falkan naxdinta leh. Waxaan samayn doonnaa wax walba oo suurto gal ah si loo xaqiijiyo in al-Shabaab aanay ku guulaysanin isku-daygeeda naf lacaariga ah ee ay ku khal-khal gelinayso rajooyinka dadka Soomaaliyeed.”