Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud oo soo gaaray Soomaaliya

18 Jan 2016

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud oo soo gaaray Soomaaliya

 

WAR-SAXAAFADEED 01/2016

Ergeyga Gaarka ah ee Cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u Qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Xafiiska Hawlagalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) Michael Keating ayaa wuxuu ballan qaaday in uu ka caawin doono dadka Soomaaliyeed sidi ay nabad iyo barwaaqo ugusoo dabaali lahaayeen dalkooda, isagoo soo gaaray Muqdisho subaxnimadan si uu ula wareego shaqooyinkiisa cusub. 

Ergeyga Gaarka ah Keating ayaa gegida caalamiga ah ee ku taal caasimadda waxaa kusoo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Soomaaliya Cabdisalaan H. Cumar, Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ahna Madaxa iyo Isu-duwaha Hawlaha Bani’aadanimo ee Qaramada Midoobay Peter de Clercq, madax sare oo ka tirsan Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo xubno ka tirsan shaqaalaha Qaramada Midoobay.

“Waxaan hubaa in shaqadaydu tahay mid ka caawinaysa dadka Soomaaliyeed sidi ay ku meel marin lahaayeen himiladooda ku aaddan dalka, sidoo kalena ay ka caawinayso sidi loo joogtayn lahaa wadashaqaynta iyo taageerada caalamiga ah ee waqtiyada soo socda,” ayuu yiri Md. Keating. “Waxaan aad ula socdaa isbedelka maanta ka muuqda Soomaaliya iyo horumarka ay gaartay…sidaas oo ay tahay hadana kama indha xirni dhibaatooyinka na horyaal.”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumar ayaa xusay in (goobaha) shaqooyinki hore ee Ergeyga Gaarka ah usoo qabtay Qaramada Midoobay oo ay kamid yihiin Afghanistan iyo Bariga Dhexe ay ka dhigayaan Ergeyga mid ku wanaagsan shaqadiisan cusub.

“Shaqooyinka noocan oo kale ah waa in aad jeclaataa,” ayuu yiri wasiirku isagoo la hadlaya Md. Keating. “Waxay kuu tahay waqti wanaagsan inaad joogtid Soomaaliya sababtoo ah waxaan doonaynaa in aan dhamaystirno hanaanka (socda), waxaan doonaynaa in aan cirib tirno Al Shabaab, waxaana doonaynaa in aan kamid noqono umadyowga dunida.”

Md. Keating wuxuu sheegay in Qaramada Midoobay ay “sumcad wanaagsan” ku dhex leedahay Soomaaliya wuxuuna qiray “hawsha ballaaran” ee hay’adda iyo shaqaaleheedaba ka wadeen dalka. Wuxuu sidoo kale bogaadiyay “geesinimada saaxiibada ka tirsan AMISOM.” 

Intaa kadib, Ergeyga Gaarka ah wuxuu la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke iyo Afhayeenka Baarlamaanka Federaalka Maxamed Cusmaan Jawari.

Md. Keating wuxuu bedelay Nicholas Kay, oo dhameystay shaqo muddo laba-sano-iyo-bar ah oo uu hayay isagoo ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya, ahaana Madixii Xafiiska Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), shaqadaasina ay usoo idlaatay 29ki  Disember 2015.