Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Keating ayaa cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ee gaariga loo adeegsaday ee lala beegsaday xarunta dhexe ee dowladda hoose ee Muqdisho

12 Apr 2016

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Keating ayaa cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ee gaariga loo adeegsaday ee lala beegsaday xarunta dhexe ee dowladda hoose ee Muqdisho

 

WAR-SAXAAFADEED 11/2016

 

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa sida ugu kulul u cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay ee gaariga loo adeegsaday laguna bar-tilmaameedsaday xarunta dhexe ee Maamulka Gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho. Toddoba qof, oo shan ka mid ah ay ahaayeen dad rayid ah ayaa ku dhintay, 11 kalena way ku dhaawacmeen. Afhayeen u hadlay Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka sida wararka lagu helay.

 

“Kooxda argagaxisada ah ee al-Shabaab waxay mar kale dhacdadii shalay ku muujiyeen sida arxan darrada ah ee aanay ugu aabayeelaynin bed-qabka iyo amaanka dadka rayidka ah ee Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating. “Weerarku wuxuu dhacay xilligii qadada oo dad aad u badan ay joogeen goobaha u dhow xarunta dhexe ee dowladda hoose. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoysaska iyo asxaabta dadkii ku waxyeeloobay.”

 

Weerarkan wuxuu dhacay laba maalin uun kadib weerar kale oo loo adeegsaday gaari ku qarxay meel u dhow makhaayad caan ah oo ku taal bartamaha magaalada Muqdisho xilli dharaar ah, kaasoo ay ku dhinteen saddex qof, shan kalena ay ku dhaawacmeen.

 

“Weeraradan naxariis darrada ah waxay hoosta ka xarriiqayaan sida al-Shabaab aanay u qiimaynin nolosha dadka caadiga ah ee Soomaaliyeed” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah. “Beesha Caalamku waxay sii wadi doontaa taageeradeeda joogtada ah ee ay ku bisio la dagaallanka argagaxisada".