Ergeyga Gaarka ah Keating oo soo dhoweeyay sida degdegga ah ee ay ciidamada Puntland uga jawaabeen ugana hortageen duullaanka Al-Shabaab

21 Mar 2016

Ergeyga Gaarka ah Keating oo soo dhoweeyay sida degdegga ah ee ay ciidamada Puntland uga jawaabeen ugana hortageen duullaanka Al-Shabaab

 

WAR-SAXAAFADEED 08/2016

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa si kulul u cambaareeyay duullaanka ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku soo galeen Dowlad goboleedka Puntland, kaasoo billowday 14kii bishan Maarso, wuxuuna ammaanay sida ay Puntland uga jawaabtay.

Weerarrada Al-Shabaab waxay ka billowdeen tuulada xeebta badda ah ee Garacad ee ku taalla Gobolka Mudug ee Puntland, markaa ka dibna waxay u faafeen dhanka waqooyi ee Gobolka Nugaal maalmihii xigay. Inkastoo duullaanku ka dhiganyahay isballaarin ay kooxda xagjirka ahi ay dhaqdhaqaaqeeda ku ballaarinayso Soomaaliya, Ergeyga Gaarka ah Keating wuxuu soo dhoweeyay sida degdegga ah ee ay ciidamada qalabka sida ee Puntland uga jawaabeen ugana hortageen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

“Waxaan ammaanaynaa tallaabada degdegga ah ee ay ciidamada Puntland qaadeen intuu socday dagaalkii dhowaan dhacay,” ayuu yiri Md. Keating.

Ergeyga Gaarka ah ayaa sidoo kale soo dhoweeyay taageerada ay ku Dowladda Federaalka Soomaaliya siisay dadaalka.  “Tani waxay hoosta ka xariiqaysaa baahida loo qabo in dhammaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay ka wada shaqeeyaan halganka socda si loo hor istaago ugu dambeyntiina looga guuleysto maleeshiyaadkan xagjirka ah ee qaswadeyaasha ah” ayuu yiri.

Waxaa la sheegay in ciidamada Puntland ay khasaare culus gaarsiiyeen maleeshiyaadka Al-Shabaab ee joogay Garacad agteeda iyo Togga Suuj ee meeshaa u dhow.

Ergeyga Gaarka ah ayaa sidoo kale sheegay inuu ka welwelsanyahay wararka sheegaya in Al-Shabaab ay weerarro cusub ay ku soo qaadeen laba ka mid ah xarumaha ciidamada amniga dowladda oo ku yaalla degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose goor hore aroortii maanta.

“Sannadkan waa sannadkii go’aanka iyo kala guurka Soomaaliya,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating. “Beesha caalamku waxay garab taagnaan doontaa dadka Soomaaliyeed waxayna sii wadi doontaa taageerada ay ciidamada qalabka sida ee dalka ku siinayso dagaalka ay kula jiraan khatarta argagaxisada.”