Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud Keating oo cambaareeyay dilki wariye Sagal Salaad Cusmaan

6 Jun 2016

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud Keating oo cambaareeyay dilki wariye Sagal Salaad Cusmaan

 

WAR-SAXAAFADEED 14/2016

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa maanta cambaareeyay dilki shalay Muqdisho loogu geystay wariyaha Soomaaliyeed Sagal Salaad Cusmaan.

Marwo Sagal Cusmaan waxay soo saare iyo soo jeediye ka ahayd Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed iyo Radio Muqdisho oo ay dowladdu maamusho, waxaana wariyaha dilay rag hubaysan oo aan haybtooda la garan, iyadoo markaas kasoo baxaysay jaamacad ku taal isla goobta lagu dilay. Waxay noqonaysaa wariyihi Soomaaliyeed ee ugu horreeyay ee la dilo sanadkan gudihiisa.

UNSOM qaybteeda Xuquuqul Insaanka iyo Badbaadada waxay sanadki 2015ki diiwaan-geliyeen dilka afar wariye iyo dhaawaca afar kale. Sanadki 2014 waxaa la dilay shan wariye waxaana la dhaawacay todoba kale, iyadoo falalkaasi u dheceen siyaabo isku mid ah, waa sida ay sheegayso qaybta Xuquuqul Insaanka iyo Badbaadada ee ee Xafiiska Qaramada Midoobay.  

Guddiga Difaaca Wariyeyaasha ee fadhigiisu yahay New York ayaa warbixin sanadeedkiisi 2015ka wuxuu Soomaaliya ku tilmaamay wadanka aduunka ugu hooseeyo marka laga hadlayo in cadaalad la horkeeno kuwa dila wariyeyaasha.

“Dilka loo geystay Sagal Cusmaan waa mid aad u murugo iyo tiiraanyo badan.  Soomaaliya gudeheeda waxaa lagu dilay wariyeyaal badan – waxa loo beegsanayo waa kaliya inay gudanayaan hawshooda,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating. “Wariyeyaashu waxay dowr muhiim ah ka cayaaraan soo tebinta wararka iyo in lala xisaabtamo dadka xilalka u haya bulshada.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wacad ku maray in laga daba tegi doono kuwi dilay Sagal Cusmaan. “Waxaan ku boorinaynaa dowladda inaysan dadaal u reebanin sidi lagusoo qaban lahaa dacwadna loogu oogi lahaa kuwii geystay fal dembiyeedkan gurracan. Waxaan tacsi kal iyo lab ah u diraynaa qoyska iyo asaxaabta Sagal Cusmaan.”