Hoggaamiye dhallinyaro oo rumeysan mustaqbalka Soomaaliya

16 May 2016

Hoggaamiye dhallinyaro oo rumeysan mustaqbalka Soomaaliya

Muna Xasan Maxamed waa hoggaamiye da’ yar oo matasha wajiga cusub ee dhallinyarada Soomaaliyeed oo qayb ka ah gorfeyta dib-u-dhiska Soomaaliya.

Muna oo 28 sano jir ah, waa guddoomiyaha Ologga Dhallinyarada Soomaaliyeed. Waxay fadhisaa figta sare ee urur waddani ah oo mideeya 43  kooxood oo Soomaaliya ku baahsan. Sidoo kale waa guddoomiyaha Ururka Dhallinyarada Hiiraan ee fadhigiisu yahay Muqdisho. Kaalinteeda waxaa ka mid ah dhiirrigelinta dib-u-dhalashada Soomaaliya oo nolol sare ku nool.

“Aragtideyda ku aadden Soomaaliya iyo dhallinyaradu waa in la is xushmeeyo. Waxaan u baahannahay caddaalad bulsho iyo dib-u-dejin loo sameeyo dhammaan dadka barakacayaasha ah,” ayey tiri Muna.

 Muna waxay cilmiga siyaasadda iyo saxaafadda ka baratay jaamacad ku taal dalka Suuriya. Laakiin waxay go’aan ku gaartey in ay dalka dib ugu soo laabato ka dib qalinjabinteedi, si ay u rajo geliso dhallinyarada shaqo la’aantu haysato iyo kuwa Al-Shabaabku ku adeegtaan. Yoolkeeduna waa in awooddooda la isugu geeyo jiho waxsoosaar leh.

“Waxaan ku noolahay kana shaqeeyaa Muqdisho. Soomaaliyadii 2006-dii aad ayey uga duwan tahay Soomaaliyada maanta”. Ayey tiri Muna oo is barbar dhigeysa sawirka Soomaaliya ee xilligii meehannowga iyo horumarka dalku maanta gaarey.

Si dhallinyarada loo siiyo sees xasilloon oo dhanka nolosha ah, Muna waxay isku hawshaa sidii dhalluinyarada loogu heli lahaa deeqo waxbarasho iyo fursado shaqo.

 “Sannadkii hore waxaan deeq waxbarasho dugsi sare ah siinnay 23 dhallinaro ah, halka shan hablood oo reer Hiiraan ah ay heleen deeq waxbarasho jaamacadeed ”. Ayey Muna hadalkeeda ku dartay.

Dadaalka ay ugu jirto in ay aragto Soomaalida oo aayatiinkooda dhisanaya ayaa Muna qaneeco iyo dhiirrigelin ugu filan. Taasina waa sababta ay uga gubaneyso in ay aragto jaalkeeda oo socdaal khatar badan uga tillaabaya badda Mediterranean-ka, si ay Yurub uga helaan nolol tan u dhaanta.

“Waan soo maray talyaaniga, Malta iyo dalalka Carabta. Waxaana dhallinta u sheegi karaa in mustaqbalku yaal Soomaaliya”. Ayey carrabka ku adkeysay.

Muna waxay ku taameysaa in ay u tartanto madaxweynenimada Soomaaliya sannadka 2020-ka, jagadaas oo ay rumeysan tahay in lugu soo nooleyn karo rajada dhallinyarada dalka.