Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud Keating oo cambaareeyay qaraxyadii maanta ka dhacay Muqdisho

13 Mar 2017

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud Keating oo cambaareeyay qaraxyadii maanta ka dhacay Muqdisho

 

WAR-SAXAAFADEED 03/2017

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa sida ugu kulul ee suurtagal ah u cambaareeyay qaraxyadii loo adeegsaday bambaanooyinka ee subaxnimadan ka dhacay laba goobood oo ku taalla magaalada Muqdisho kuwaas oo sida la sheegay ay ku dhinteen tiro dad rayid ah.

Qaarixii koowaad ayaa ka dhacay agagaarka xarunta tababarka Jeneraal Dhagabadan ee Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoo warbixinnada hordhaca ah ay sheegayaan in kaliya ismiidaamiyihii waday gaari caasi ah oo lagasoo buuxiyay walxaha qarxa uu ku dhintay qaraxa. Weerarka labaad ayaa sidoo kale waxaa fuliyay qarax-fuliye waday gaari lagasoo buuxiyay walxaha qarxa oo weerar ku qaaday iridka laga galo Hoteel Weheliye oo kuyaal waddada mashquulka badan ee Makka al-Mukarama ee magaala-madaxda Soomaaliya, [falkaas] oo ahaa isku day ula kac ah oo khasaarooyin badan loogu gaarsiinayay shaqaalaha iyo martida hoteelka, gaadiidlayda iyo dadka [halkaas] ku lugeynayay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarixii ka dhacay hoteelka.

“Weeraradan ugu dambeeyay ayaa dhacay waqti aad loogu baahanyahay isku-duubni dadka Soomaaliyeed dhexdooda ah, oo aan loo baahnayn colaad. Dalku wuxuu la daalaa-dhacayaa abaar ba’an oo galaafatay nolosha boqolaal qofood”, ayuu yiri Mudane Keating. “Waqtiga lagusoo beegay qaraxyadan maanta iyo dhibaatada ay geysteen waa wax aad u fool xun; falkan xagjirnimada ah sinnaba uma laha wax qiil ah”.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoysaska iyo asxaabta dadkii ku geeriyooday, waxaana dadkii dhaawacyadu kasoo gaareen weeraradii maanta aan u rajaynaynaa in si buuxda oo degdeg ah uga bogsoodaan,” ayuu raaciyay Ergeyga Gaarka ah.