Madaxweynaha Soomaaliya oo ku dhawaaqay in abaarta noqotay musiibo qaran

28 Feb 2017

Madaxweynaha Soomaaliya oo ku dhawaaqay in abaarta noqotay musiibo qaran

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ku tilmaamay abaarta ku habsatay in ka badan lix milyan oo Soomaali ah iney tahay “musiibo qaran” isagoo ka codsaday bulshada caalamka iney ku caawiyaan $825 milyan si looga hortago dhibaatada macluusha sii kordheysa inta lagu guda jiro qeybta hore ee sanadkan.

Isagoo ka hadlayay shirkii gurmadka abaaraha ayuu madaxweynaha yiri abaarta waxay yareysay xoolihii kuwasoo ah hantida kaliya oo dad badan oo Soomaali ah heystaan.

“Dadkeena shirka jooga maanta ma keeni karno roob mana bixin karno biyo ku filan si xoolaha loo badbaadiyo. Laakin waxaan u fidin karnaa gurmad wax ku ool ah waana inaan hadda sameynaa arintaa sababtoo ah abaarta  khatar badan bey ku heysaa dadka Soomaaliyeed,” Madaxweyne Farmaajo ayaa sidaa ka sheegay shirka oo ay kasoo qeyb galeen saraakiil ka socotay Qaramada Midoobey, Midowga Afrika, Diblomaasiyiin, qaar ka tirsan wasiirada dowlada federaalka, madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo wakiilo ka socday bulshada rayidka ah, culumada iyo ganacsatada.

Wuxuu balan qaaday in shirar badan looga hadli doono xaalada abaarta bilaha soo socda isagoo carabaabay kulanka iskaashiga Soomaaliya ee dhawaan ka furmi doona magaalada London bisha May.

Isku duwaha bani,aadnimada Soomaaliya Peter de Clercq, ayaa yiri bulshada caalamka waa iney si deg deg ah ugu gurmadaan abaaraha Soomaaliya

“Saameynta baaqan waxa ku jiri doona hirgalinta canshuur dhaaf lagu sameynayo saheyda muhiimka u ah gargaarka bani,aadnimada iyo waliba sidoo kale in laga dhaafo canshuurta hey,adaha maxaliga si ay ugu fududaato gaarsiinta caawimaada bani,aadnimada, xoojinta nabad galyada meelaha muhiimka u ah gaarsiinta gargaarka iyadoo laga qaadayo jid gooyoyinka sharci darada ah iyo talaaboyin adag oo laga qaadayo laguna ciqaabayo dadka weeciya gargaarka bani,aadnimada,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Mudane de Clercq ayaa yiri deeq bixiyayaasha caalamka  waxay heystaan fursad looga hortagi karo wixii ka dhacay lix sano ka hor Soomaaliya kadib markii dalka ay soo wajahday abaar la mid ah midaan iyadoo dishay in ka badan 260,000 oo dad ah.

Ra,iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa yiri ugu yaraan boqolkiiba 60 xoolaha dalka waxaa la tagtay abaarta socota.

Mudane Carte, oo sidoo kale ah gudoomiyaha gudiga qaran ee gurmadka abaaraha, ayaa yiri dadaalka Soomaalida kaliya kuma filna ka hortaga abaarta, isagoo ugu baaqay bulshada caalamka iney taageeran dadaalka socda si loo bogsiiyo saameynta abaarta reebtay.

“Waxaan u baahanahay inaan go,aan geesinimo leh qaadano. Waxan u baahanahay inaan wax weyn qabanaa, waana inaan hadda bilownaa haddii aan rabno inaan ka hortagno soo noqnoqoshada dhibaatadan. sanadihii 2011 iyo 2012 in ka badan rubuc malyuun ayaa ku dhintay abaarta,” sidaa waxa yiri ras,iisul wasaare ku xigeenka.

Madaxweynaha HirShabelle ayaa isna dhankiisa ku celiyay in shacabka dalka aad ugu baahanyihiin cunto, biyo, daawo iyo hooy.

Duqa magaalada Muqdishu, Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa yiri magaalada waxa ka barakacay ilaa 2,000 oo qoys iyagoo tagay xeryaha barakacayaasha ee daafaha magaalada, saameynta ay reebtay abaarta darteed.

Inka badan $400 milyan ayay balan qaadeen deeq bixiyayaasha si loo taagero abaarta sii xoogeysaneysa, iyadoo isku duwaha bani,aadnimada uu ku booriyay deeq bixiyayaasha iney dar dar galiyaan bixinta lacagahaas si shaqada loo dar dar galiyo.

Sida ay sheegtay qeybta falaqeynta iyo badqabka cuntooyinka iyo waliba isku xirka digniinaha hore ee abaaraha oo hoos tagta hey,ada cuntada ee qaramada midoobey ayaa sheegtay tirada Soomaalida u baahan gargaarka iney sii korortay bilihii ugu danbeeyay, qiyaastii waxay aheyd 5 milyan bishii Sabteembar 2016 iyadoo hadda mareysa in ka badan 6.2 milyan. Sidoo kale tirada Soomaalida wajaheysa “Dhibaatoyinka” iyo “xaaladaha deg dega ah” ee cunti yarida waxay kor u dhaaftay 1.1 milyan lix bil ka hor haddana waxay mareysaa 3 milyan sanadkan bilowga ah.