Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud Keating oo diray hambalyo ku aaddan munaasabadda Ciidul Adxaa

1 Sep 2017

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud Keating oo diray hambalyo ku aaddan munaasabadda Ciidul Adxaa

 

WAR-SAXAAFADEED 16/2017

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (SRSG), Michael Keating ayaa salaan kal iyo lab ah u diray dadka Soomaaliyeed oo iyagu u dabaal degaya munaasabadda Ciidul Adxaa oo ku beegan dhamaadka gudashada Xajka, booqashada barakaysan ee lagu tago Makka.

“Munaasabaddan ay dadka Soomaaliyeed ugu dabaal degayaan Ciidul Adxaa awgeed, waxaan u rajeynayaa dhamaan dadka Soomaaliyeed iyo qoysaskooda Ciid Mubarak. Maanta waa maalin dib loo milicsado (wixii tagay), laysku gargaaro, lana xusuusto dadka danta yar ee aan haysanin inta aan annagu haysanno. Waxaan rajaynayaa in dareenkan ku dhisan isu-naxariisashada iyo wadajirka uu gacan ka gaysan karo nabad wada gaarta Soomaaliya dhamaanteed. Ciid Wanaagsan!" ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating.