Soomaaliya waxaa ay weli khatar ugu jirtaa xaalad macluul ah, madax QM ayaa ka digay

5 Sep 2017

Soomaaliya waxaa ay weli khatar ugu jirtaa xaalad macluul ah, madax QM ayaa ka digay

Muqdisho –  Isku Duwaha Arrimaha Bani’aaddinimada ee Qaramada Midoobay ee u qaabilsan Soomaaliya, Peter de Clercq, ayaa deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah ku boogaadiyay dadaalkooda wadajirka ah ee ay ka geysteen ka hortagga xaalad bini’aaddinimo in ay ka dhacdo dalkan Geeska Afrikada ah, hase yeeshee waxaa uu ka digay in aan weli laga gudbin khatarta.

Xilli uu khudbo ka jeedinayay daahfurka qiimeynta ammaanka cunnada iyo nafaqada ee Soomaaliya ee usbuuca la soo dhaafay, Mudane de Clercq waxaa uu beesha caalamka in ugu baaqay ay sii joogteeyaan dadaallada la wado si looga hortago in xaaladda bini’aaddinimo ee dalka ay sii xumaato.

“Dalkan waxaa weli food-saaran xaalad bani’aaddinimo oo dhab ah. Inkasta oo aan helnay jawaab bani’aaddinimo oo aad u wanaagsan, waxaan weli loo baahan yahay in la sii wado jawaab celintani anaga oo bixineyno qiyaastii $100 milyan bishiba,” ayuu yiri Isku Duwaha Arrimaha Bani’aaddinimada ahna Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Mr. de Clercq ayaa sheegay in kastoo lacagtani ay tahay “lacag aad u badan”, waxaa loo baahan yahay deeeq-bixiyeyaasha in ay gacan ka geystaan si looga hortago khatarta macluusha ee deegannada fogfog, iyo sidoo kalena in la wanaajiyo xaaladaha caafimaad ee bulshada.

Waxaa uu sheegay in si degdeg ah jawaab-celin loo baahan yahay maadaama Soomaaliya ay weli ka jiraan cudurka shuban biyoodka iyo jadeeco ba’an.

Warbixinta cusub ee la daahfuray waxaa soo saaray Qaybta Falanqaynta Ammaanka Cunnada iyo Nafaqada ee Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) waxayna imaaneysaa xilli ay Soomaaliya la tacaaleyso abaar ba’an oo ay sababtay roob yari jirtay xilliyada la sugayay roobabka. Waxaa ay sidoo kale Soomaaliya ka mid tahay afar waddan oo ay Qaramada Midoobay sheegtay in ay sanadkan khatar ugu jiraan macluul. Waddamada kale waxaa ay kala yihiin Yemen, Koonfur Suudaan iyo dalka Nigeria.

Wakiilka FAO u qaabilsan Soomaaliya, Danilele Donati, ayaa sidoo kale deeq-bixiyeyaasha ku boogaadiyey jawaab-celinta ay wakhtiga ugu habboon ka bixiyeen abaaraha waddanka saameeyay. 

“Qaybta Falanqaynta Ammaanka Cunnada iyo Nafaqada (FSNAU) darteed, gargaar nolol badbaadin ah ayaa malaayiin qof la gaarsiiyey wakhtigii la rabay iyagoo cunno, lacago, taageero hab-nololeed ah iyo samafal nolol badbaadin oo kala duwan loo fidiyey. Sidaasi ayaan si wadajir ah awood u yeelannay in aan ka hortagno macluul bilowga 2017,” ayuu yiri Mudane Donati.

Wakiilka FAO ayaa ku baaqay gargaar bani’aadamnimo oo joogta ah si loo soo celiyo hab-nololeedka dadka iyo in horumar waara laga gaaro dhinaca ammaanka cunnada.

Madaxa La-talinta dhinaca Farsamada ee FSNAU, Daniel Molla ayaa ku celiyay hadalka Mudane Donati asagoo ka digay in sadaasha cimmilada ay tilmaameyso in waddanku uu sanadkani la sii kulmi doono roob yari.

“Xilliga Gu’a (xilli roobaadka bilaha Abriil ilaa iyo Juun) dalaga soo go’a ayaa waxaa lagu qiyaasay in uu 37% ka hooseeya celcelis ahaan, dhanka Waqooyi-Galbeedna halkaas oo xaalado aad u xun ka jireen, xilliga Gu’a Karan (roobabka bilaha Luulyo ilaa iyo Sebtembar) dalaga soo go’ayo waxa uu 87% ka hooseeya celcelis ahaan”, ayuu yiri Molla, asaga oo sii raaciyay in xaaladda ay dhici karto in ay ka sii darto xilliga Deyrta oo foodda inagu soo haya (xilli roobaadka Oktoobar-Nofeembar) saadaasha cimilada taas oo muujineysa celcelis ahaan in ay ka hoos marto xaaladda caadiga ah, sidaasna ay saameyn weyn ku yeelata qoysaska xoola-dhaqatada ah.

Qiimeynta FSNAU waxaa ay muujineysaa in ay hoos u dhacday tirada dadka u baahan gargaar bani’aaddinimo, oo halkii awal ay ahayd 6.7 milyan oo qof ay hadda tahay 6.2 milyan oo qof.  Hase ahaatee, dalag goosashada ayaa aad u hooseeya sababo la xiriira roobabkii oo yaraaday, iyo sidoo kale caqabado joogta ah oo hortaagan in la helo cunnada.  Arrimahaas waxaa ay dhaliyeen in sicirka raashiinka uu kor sii ahaado bilooyinka hore ee 2018.  .

Horraanti sanadka 2017, Soomaaliya waxaa ay la kulantay abaaro ba’an, taas oo keentay in loo qaylo-dhaamiyo kaalmo caalami ah oo gaareyso $900 malyan horaantii sanadkan. Wakhti baaqa la soo jediayay, 6.2 milyan oo Soomaaliya ayaa baahi u qabay gargaar cunno ah, halka dad gaaraya 1.1 milyan ay abaaraha barakiciyeen.